Wasiir Xagla-toosiye Oo Farriin U Diray Reer Buhodle

0
664

xaaglaHargeysa(Geeska)-“Reer Buuhoodle Waxaan Leeyahay Xukuumadda Soomaaliya Loo dhisay Waa Mid Koonfur Ku Eg,”ayuu yidhi Wasiirka dib u dejinta Somaliland Md. Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglo-toosiye), oo la hadlayay dadweynaha Buhodle.

Wasiirku wuxuu intaasi ku daray “Waana Laga Baxay Wakhtigii Qabyaaladda iyo reeraha.”

Wasiirka Wasaaradda Dib u dejinta Somaliland Md. Saleebaan Ciise Axmed, waxa uu sidaasi ka sheegay barnaamijka todobaadlaha ah ee kulanka Wasiirrada iyo Dadweynaha oo uu habeen hore ka mid ahaa saddex Wasiir oo dadweynuhu su’aalo ku weydiinayeen shaqadooda, “Waxa la marayaa wakhtigii la odhanayey yaa reer waqooyi ah? ama reer Somaliland ah?,”ayuu yidhi Wasiirka dib u dejintu.

Saleebaan Xaglo-toosiye oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaanan idin leeyahay dadkeena Somaliland aynu wax la qaybsano.”