Saxaafadda Oo Iska Xushay Guddi Madaxweynaha Kala Hadasha Xeerka Sirdoonka

0
762

siilaanyoHargeysa(Geeska)-Hay’adaha warbaahineed ee madaxabanaan ee Somaliland ayaa magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo kala soo hadasha xeerka sirdoonka qaranka oo ay ku jiraan qodobo halis ku ah madaxbanaanida saxaafadda.

Warbaahinta oo shalay kulan ay SOLJA soo abaabushay ku qabsatay magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay isla qaateen inay Madaxweynaha u diraan 7 suxufi, waxaana kulankaas lagu magacaabay xubnahaas guddiga ah. Xoghayaha ururka SOLJA Maxamed-Rashid Muxumed Faarax, ayaa warsaxaafadeed ku soo saaray go’aanka la isla qaatay, waxaanu yidhi Ururka “Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa Kulan uu soo qaban-qaabiyey oo ay isugu yimaadeen dhamaan Masuulyiinta Hay’ada warbaahinta Madaxababaan ee Somaliland, oo maanta,(20/11/2012)  ka qabsoomay Hotel Impiral ee Magaalada Hargeysa, ayaa laga lafa guray qaabka ugu haboon ee Warbaahinta Madaxbanaan ee Somaliland ay uga hor tagi karto Xeerka Hay’ada Sirdoonka Qaranka (Xeer no:59/2012).

Xeerka Hay’ada Shirdoonka Qaranka (Xeer no:59/2012)  oo ay ku jira Qodobo ka hor imanay Dastuurka Qaranka isla markaasina khatar ku ah Xoriyatul Qawlka iyo shaqada Warbaahinta Madaxbanaan ee Somaliland, ayaa ay hore Golayaasha Baarlamaanku ansixiyeen hada hor yaala Madaxweynaha Somaliland.

 Shirkaasi ay maanta Warbaahina Madaxbanaan ee Somaliland yeelatay ayaa waxa lagu go’aamiyey arimahani:-

1.      In Gudidi ka Kooban Todoba Xubnood oo Warbaahinta ah Ergo loogu diro Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, si ay Gudidu Madaxweynaha uga codsato in aanu Xeerka Sirdoonka Qaranka ee Horyaal (Xeer no:59/2012) Saxeexin, isla markaasina uu dib ugu celiyo Golayaasha Baarlamaanka.

2.      In Warbaahinta Madaxa banaan ee dalku ay Shacabka Somaliland iyo Bulshada Caalamka  u soo bandhigto Qodobada Xeerkaasi ku jira ee ka hor Imanaya Dastuurka iyo Shuruucda kale ee dalka, Qodobadaasi oo khatar ku ah Xuquuqda Muwaadiinta iyo Saxaafada Somailand.”

Magacyada Gudida.

1.      Mustafe Sacad Dhinbiil.

2.      Maxamed Cabdi Curad.

3.      Yuusuf Cabdi Gaboobe.

4.      Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto).

5.      Axmed Cabdiraxmaan Xirsi (Heelo).

6.      Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo)

7.      Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab).