Xuska Maalinta Shuhaadada SNM Oo Hargeysa Laga Xusay Iyo Madaxweynaha Oo Ka Baaqday

0
671

 

Hargaysa( Geeska ) Munasabad balaadhan oo lagu xusayay  maalinta shuhadada SNM ee 17 Oct ayaa laga qabtay hoolka shaqaalaha ee magaalda Hargaysa. Ka  hor intii aanay furmin  munaasabadan lagu xusaayay maalinta shuhadada SNM ayaa qaybo  kamida ardayda dugsiyada oo ay weheliyaan  kooxo boonboy ahi waxay ay lug kusoo mareen wadada halbawlaha ah ee hormarta madaxtooyada.6253401001_d0e4c952f4_zMunaasabadan waxa ka soo qayb galay mujaahidiin aad u tiro badan masuuliyiin ay kamid ahaayeen gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Mj.Muuse Biixi Casbi, Mj.Maxamed Kaahin Axmed,  wasiirka madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali, wasiirka waxabrashada Marwo Samsam Cabi Aadan, wasiirka kaluumaysiga Cabdilaahi Jaamac Cismaan ( Geeljire ), iyo dadwayne tiro badan.

 

Munaasabadan maalinta shuhadada oo ay soo abaabuleen ururka mujaahidiinta ee SOOYAAL waxa Ugu horayntii  halkaas ka hadlay Mj.Cabdisalaan Turki oo kamid ahaa abaabulayaashii munaasabada, waxaanu ka waramay ujeedada munaasabdan “  Waxa ugu horeeya ee xuskan loo qabtay waa in faatixada loogu maro shuhadadii, arinta labaad waxa weeye waxaan codsanaynaa inay maanta noqoto maalinta shuhadada Somaliland mid danbe iyo mid horeba oo ay golayaashu diiwaan galiyaan, waxa kale oo aan u soo jeedinaynaa in maalintan 17 ay wasaarada diinta iyo awqaaftu culimada magaalooyinka ay isugu yeedho in ay  quraan loo akhriyo maaha in aynu heesno ama riwaayadayno, waxaan ka cosanaynaa dhamaan dadwaynaa Somaliland shuhadaadaa aynu manata xusayno  ama kuwaa naafadaa inaynu siino muligo iyo sharaf oo aynu qadarino oo waji wanaagsan iyo afwanaagsan lagula dhaqmo, maantana waa maalinta loo asteeyay shuhadada Somaliland”

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo halkaas ka hadlay ayaa si wayn ugu dheeraaday halgankii SNM iyo sida uu u dhalay midhaha aynu maanta hoos joogno , mujaahid Maxamed Kaaahin waxa uu ku nuux nuxsaday in taariikhu ay tahay waxa umadaha haga, hadaldii siina waxa kamid ahaa “ 17 Oct waxa laysugu soo min guuriyay dhamaan shuhadadii Somaliland oo dhan, cidwaliba maalin gaara ayay dhimatay  laakiin maalintii ugu badnayd ee mujaahidiintii SNM ay dhimatay oo hogaamiyaashoodu uu kmidka haa Maxamed Xaashi Lixle ee halgankan lafdhabarta ka ahaana uu kamid ahaa, Ragaasi waxay lee yihiin Taariikhda aynu maanta halkan u fadhino.”

Gudoomiyaha xibiga Kulmiye Mj.Muuse Biixi Cabdi ayaa siwayn ugu dheeraaday taariikhada adag ee ay soo martay SNM iyo sida ay ugu guulaystay inay wadankan xornimo u horseedo, waxaanu gudoomiyahu haatan soo jeediyay in aanu halgankii dhamaan ee loo baahan yahay in nolasha loo sii halgamo waxaana hadaldii gudoomiyaha kamid ahaa “ Halganku sidiisaba ma dhamaado illaa inta uu Qofku dhimanayo waxa sugaya Halgan dheer oo ah ta noloshiisa iyo ta dalkiisa inagana wax inoo Yaal Halgan dheer oo wax kastaa waa inaga Qabyo, ta ay Taariikhdu Xusaysaa ee ay eegi doontaana waa idinka, Mid aduun ku taliya iyo Mid Xukun ku taliyaba, Waxa inagu dheeraatay in aynu helno Aqoonsi Caalami ah, waxa inagu dheeraatay in aynu ka baxno Faqriga, iyo Shaqo la,aanta taas oo Aafo Qaran ah.”

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi waxa uu kula dardaarmay dhamaan shacbiga Somaliland in la Hello ama la diyaariyo Tabtii looga Bixi lahaa Shaqo la,aanta baahsan ee ku dhufatay Dalka, waxana uu u soo jeediyay in la yeesho Dulqaadkii lagaga Bixi lahaa Aqoonsi la,aanta haysata Dalka Waxana uu yidhi “Haday innaga inagu Raagtay Shaqo la,aan, Hadday inagu Raagtay Aqoonsi la,aan waxa inagu Waajib ah in aynu keeno Tabtii iyo Xeeladdii aynu kaga Bixi lahayn, Geesinimaddii, Samirkii, iyo waliba Arimihii kale ee lagaga Bixi lahaa, Hadaynu Asqowno, Jahada ayaa inaga lumaysa.”

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka waramay qorshayaasha xukuumadda ee wax u qabashada agoomihii iyo mujaahidiinta SNM.

Laakiin waxaan markii u horaysay sannadahan dambe xuska shuhaadada SNM ka muquurtay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo.