Carwo Caalami Ah Oo Dhawaan Hargeysa Ka Furmi Doonta

0
688

 

Hargeysa(Geeska)-Carwo Ganacsiyeedkii caalami oo lagu magacaabo Carwada Ganacsiga Somaliland oo kulmin doonta shirkadaha dalka iyo qaar dalalka dibadda ka iman doona, ayaa shalay lagaga dhawaaqay hudheelka Imperial ee magaalada Hargeysa.

Carwadan oo 17 ilaa 21 bisha soo socota ee December lagu soo bandhigi doono hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa,  ayaa lagu soo bandhigi adeegyada shirkadaha kala duwan ee dalka, waxa sidoo kale ka soo qaybgali doona shirkaddo badan oo dibadda ah, kuwaas oo danaynaaya ganacsiga iyo wax-soo-saarka Somaliland.

Carwadan, ayaa waxa shalay lagaga dhawaaqay shir jaraa’id oo ay qabteen maamulka iyo isku duba ridayaasha carwadan, iyaga oo kaga hadlay ujeeddada carwadooda loo qaban doono.Carwada Ganacsiga SomalilandMr. Cali Maxamed Yuusuf oo ah Guddoomiyaha Carwada Ganacsiga Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada carwadooda loo qabanaayo, isaga sheegay inay kulmin doonto shirkado ajenebi iyo kuwa waddaniga ah.

 

“Waxaannu maanta halkan isugu nimi inaannu idinku soo bandhigno Carwadan la yidhaa Carwada Ganacsiga Somaliland oo 17 ilaa 21 bisha December ka dhici doonta hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, taas oo noqon doonta carwo ganacsi oo la iskaga iman doono waddanka gudihiisa iyo dibadiisaba, waxaana ka soo qaybgeli doona shirkado ajenebi ah iyo kuwa waddankaba,” ayuu yidhi Cali Maxamed Yuusuf.

Guddoomiyaha carwadan waxa uu sidoo kale ka waramay waxyaabaha u qabsoomay iyo heerka marayso, waxaannu tilmamay inay ka soo qaybgeli doonaan 110 shirkadood , waxaannu sheegay inay waqtigan heshiiskaas kala saxeexdeen 85 shirkadood.

Mr. Cali Maxamed Yuusuf, waxa uu ganacsatada iyo bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay ka soo qaybgalaan carwo ganacsiyeedkan oo si ballaadhan oo heer caalami ah loo soo agaasimi doono dhawaan.

Waxa kale oo isna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha carwadan ee magaalada Jabuuti Mr. Yuusuf Afrikan , ayaa isagu sheegay inuu aa ugu faraxsan yahay inuu kala soo qaybgalo carwadan, isaga oo xusay inay carwadani fursad siin doonto ganacsatada kala duwan iyo qaybaha bulshada Somaliland, waxaannu yidhi;  “Inaannu carwadan iskugu tagno aad baan ugu farax sanahay, waxaanan filayaa inay nasiib siin doonto marka la eego dhinac baayac-mushtarka oo ku kulmi kara oo fikrado is waydiisan karaan iyo inay fursad siiso dadka reer Somaliland inay ogadaan wax-soo-saarka dalkooda, waxay sidoo kale fursad siin doontaa aqoonyahanka iyo dhallinyaradaba oo ka caawin doonto siday shaqo u abuuri lahaayeen.”

Ujeeddada Carwadan loo soo agaasimay ayaa waxa masuuliyiinta carwadani ku faahfaahiyeen qoraal shir jaraa’id ah oo ay qaybiyeen, kuwaas oo sheegay inay uga gol leeyihiin sidii Somaliland looga dhigi lahaa meel ganacsatada adduunku ku kulmaan, dhiirigelinta ganacsiga xorta ah iyo inay Somaliland muujiso doorkay ku leedhay Ganacsiga Geeska Afrika.

Shirkadaha dibadda ee ka soo qaybgali doona carwadan, ayaa wax ay ka kala iman doonaan dalalka ay ka midka yihiin Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Yemen, dalalka Imaraadka Carabta, China iyo Turkiga.