Safarka Uu Madaxweyne Siilaanyo Ku Tagayo Dalka Ingiriiska Oo Ay Dareeno Hadheeyeen Iyo Xogta Uu Geeska Afrika Ka Helay Ajandaha Uu U Tagayo

0
781

 

New Picture (3)Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu dabayaaqada bishan magaalada London ee dalka Ingiriiska kaga qayb galo shir ay soo agaasimeen dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanku.

 

Shirkaas oo aan weli war rasmi ah laga hayn waxa la sheegay in dulucdiisu tahay arrimaha budhcad badeeda iyo dib u dhiska dalka Somaliya, lamana sheegin mudada uu socon doono. Waxase jira tibaaxo diblomaasiyadeed oo soo baxay oo sheegaya inuu magaalada London ka socdo qorshe ay wataan ganacsato caalamiya oo ah ajande labaad oo shirkaas u qarsoon, balse aanay caddayn in xukuumadda Somaliland.

Waxa aanu ku saabsan yahay sidii ay ganacsatadaasi u maalgashan lahaayeen dhulka Somaliland, waxaanay doonayaan inay dawladda Ingiriisku Madaxweyne Siilaanyo cadaadis ku saarto inuu aqbalo in si ay ganacsatadu qiil sharciyeed oo caalamiya ugu hesho ganacsigas iyo maalgashiga Somaliland ay dawladda Sheekh Shariif ee ku meelgaadhka ahi bixiso rukhsadda maalgashiga, maadaama oo sida ay ku doodayaan ay dunidu weli Somaliland u aqoonsantahay qayb ka mid ah Somaliya.

Ilahaas xogogaalka ahi waxay intaas ku dareen in gancasatadas oo hore magaalada London kulan ugula yeeshay wasiiro ka socday Somaliland, ay si qurux badan u dhigayaan qorshaha ay doonayaan in Somaliland laga ansixisto oo ah in lagu qanciyo inay dawladda Sheekh Shariif bixinta liisankan ku helayso lacag kooban iyo wax aan badnayn oo ah xaqul qalin, waxaanay ku doodayaan inay Somaliland dhankeeda ka helayso maalgashi caalami ah oo abuuri doona shaqooyin badan oo qayb ka qaadan doona kobaca dhaqaalaha iyo inay hormuud u noqon doonaan maalgashi shisheeye oo Somaliland ka hirgala.

Hase yeeshe marka laga tago wejiga wanaagsan ee ay ganacsatadani u dhigayaan qorshaha ay Madaxweyne Siilaanyo ka doonayaan inuu meel mariyo, waxa ku lamaan talaabo haddii ay hirgasho dhaawac u gaysan doonta qaranimada Somaliland, taas oo ah in ay daciifiso dadaalka aqoonsi raadiska ah ee ay Somaliland ku jirto iyo go’aankeeda madax bannaanida, maadaama oo la ogolaaday inay dawladdaha magac u yaalka ah ee Somaliya loo dhisaa ay wakiil ka yihiin Jamhuuriyadda Somaliland oo madaxbanaanideeda kala soo noqotay Somaliya labaatan sannadood ka hor.