Xuska 110 Guurada Madax-banaanida Jamhuuriyadda Taiwan Oo Lagu Qabtay Hargeysa & Madaxweyne Ku-xigeenka JSL Oo Hambalyeeyay

0
456

Hargeysa (Geeska) – Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa waxa lagu qabtay Munaasibad ballaadhan, taasi oo lagu xusay 110 Guurada ka soo wareegtay Madax-banaanida Jamhuuriyadda Taiwan oo Xafiis diblumaasiyadeed ku leh Somaliland.

Munaasibadda oo ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay, ayaa waxa ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Safiirka Taiwan u fadhiya Hargeysa, Wasiirro iyo Diblumaasiyiin tiro badan.

Ugu horayn, waxa halkaa ka hadlay isla-markaana faahfaahiyey ahmiyadda Maalintani ugu fadhido Dadka Jamhuuriyadda Taiwan Safiirka Taiwan u jooga Somaliland Ambassador Allen, waxaanu yidhi  “Waxaan ku faraxsanahay inaan u dabbaal-degno Xuska 110-aad ee Maalinta Qaranimada Jamhuuriyadda Taiwan, waad ku Mahadsan tihiin dhammaantiin inaad nagu soo biirtaan. Sanadihii la soo dhaafay Dawladda Taiwan waxay ku guulaysatay inay wax ka qabato Masiibada Covid_19 oo ay gacan ka geysato iskaashiga Waddamada Adduunka.”

Mr. Allen waxa kale oo uu ka hadlay doorka Taiwan ee Dunida wax soosaarka “Taiwan waxa kale oo ay soo bandhigtay Hal Tusaale oo kale, kaasi oo ah inay door muhiim ah ka ciyaari karto horusocodka Warshadaha iyo Tiknoolajiyadda sare iyo Silsilidda Sahayda Warshadaha Horumarsan, waxaanuna sii wadi doonaan inaanu Shidno dhaqaalaha Adduunka..”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu ku dedaalaynaa dedaal kasta oo lagu ilaalinayo dimuqraadiyadda, Madax-banaanida, xorriyadda, Horumarinta nabadda iyo Xasilloonida Gobolka iyo Caalamka..”

Safiirka Dawladda Taiwan u fadhiya Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay Xidhiidhka Dalkiisa iyo Somaliland “Socdaalka lagu maamusayo Dimuqraadiyaddu marna ma dheera, xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Taiwan waa mid xooggan, qayb ahaana waxa sabab u ah Mabaa’diida aanu wadaagno ee halganka la mid ah, Taiwan waxay ku faanaysaa inay taageertay doorashooyinka Baarlamaanka iyo deegaanka, waxaan jecelahay inaan mar labaad Somaliland ku hambalyeeyo sidii ay u qabatay doorasho xor iyo xalaal ah, taasina waxay Somaliladn ka dhigaysaa Jamhuuriyad ku dayasho mudan..”

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdinaasir Cumar Jaamac oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Waxaanu halkan u taaganahay si aanu u soo dhaweyno Maalintan muhiimka ah ee ay leeyihiin in ka badan 23 Million oo reer Taiwan ah, kuwaasi oo aanu u rejaynayo sannad-guuro Farxad leh..”

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo isaguna gebogabadii halkaa ka hadlay ayaa ka warramay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, waxaanu yidhi  “Waxaanu Hambalyo iyo bogaadin u diraynaa Shacabka reer Taiwan iyo Xukuumadda oo isku duuban, oo aanu leenahay Sannadkan iyo sanadkiisa ku gaadha bash bash iyo Barwaaqo..”

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu ka warramay Taageerada dhinacyada badan leh ee Taiwan siiso Somaliland “Meelo badan oo Qarankani ka dhismayo ayay innaga caawiyaan Taiwan, hadday tahay Caafimaadka, Beeraha, Hadday tahay Tiknoolajiyadda, hadday tahay doorashooyinkii aynu soo galnay oo ay qayb libaax ka qaateen, aad iyo aad baanuna ugaga Mahad-naqaynaa inay dhaqaale iyo Aqoon wixii ay ka tari karaysay ay ka tarto, iyo inay wixii ka tari karaysey ka tarto Caafimaadka, gaar ahaan Xanuunka Covid_19, hadday tahay Qalab iyo Daawooyinba..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office