Cismaan Cabdillaahi Saxar-diid (Caddaani) Oo Ka Hadlay Marxaladda Siyaasadeed Ee Dalku Marayo

0
558

Hargeysa (Geeska) – Siyaasi Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) oo Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo ka soo qabtay xilal wasiirnimo, ayaa ka hadlay xaaladda Siyaasadeed ee Somaliland halkay marayso, waxaanu xusay in beesha Caalamka looga baahan yahay inay qiimeeyaan dimuqraadiyada, nidaamka dawladnimo, xasiloonida iyo kala dambaynta dalka ka jira dalka ka jira.

Siyaasi Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Dalal inaga awood iyo dhaqaale badan oo waliba haysta ictiraaf caalamiya ayaan qabsan waxaynu qabsanay, oo ah horumarka aynu ka gaadhnay Dimuqraadiyada, sugida amaankeena,xasiloonideena, nidaamkeena dawladnimo, kala dambaynta dalkeena ka jira,dadaalkeena aynu ku doonayno aqoonsigeena weynu wadaynaa, maxaa yeelay Caalamku waa ka markhaati inaynu horumar ka gaadhnay Dimuqraadiyada, ,Doorashooyinka iyo nidaamka dawladnimo, markaas Caalamka waxaanu leenahay waad aragtaan heerka aanu kala taagan nahay Somaliya iyo in aanu kala nahay laba dal iyo laba dawlood oo kala madaxa banaan ee aqoonsiga aanu xaqa idinku leenahay waa inaad na siisaan, Shacabkeena reer Somaliland dal iyo dibadba meel kasta oo ay joogaan waxaanu leeyahay Calankeena tawxiidka ee Magaca ALLE ku qoran yahay waligii uu jiraya, oo uu joogaya, mana dhacayo, ee mar kasta nabadiina ilaashada, oo dalkiina ilaashada”.

Mar uu ka hadlaayey xanuunka Covid 19 wuxuu yidhi “Xanuunka Koronaha oo muddo dheer fara baas ku hayey Caalamka, waxaan ka war hayaa inuu dalka ku soo noqday, ee dadku aad u ha u taxadiraan, oo aad ha isku ilaaliyaan, oo waliba dadka waaweyn iyo dadka xanuunada gaarka ah qaba aad ha loo ilaaliyo, oo talaalka ha la qaato”  

Geeska.net/Hargeisa Office