Xus Loo Sameeyay Sannad Guuradii Ka Soo Wareegtay Xadhigii Haatuf

0
510

Picture2

Hargaysa(Geeska)- Saxafiiyin ka tirsan xarumaha kala duwan ee saxaafada madaxa banana ee dalka ayaa dhaleecayn iyo eedo u soo jeediyey Xukuumadda, iyaga oo ku canbaareyey cadaadis, xadhig iyo cabudhin ay sheegeen inay Xukuumadda kula kacdo Saxaafadda.

Iyada oo shalay ku beegnayd maalintii la xidhay Wargeyska Haatuf Sannad ka hor, wariyayaashan oo Shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay Tafatirihii Wargeyska Haatuf Axmed Cali Cige oo ka waramay sidii ay wax u dhaceen iyo inay warbixin ay ka qoreen mid ka mida Xukuumaddan oo ku saabsan musuq la xidhiidha Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland ayaa yidhi“Waxa ay Maanta ku beegan tahay Maalintii Cidanka la dulgeeyey Haatuf iyo Somaliland times, waa maalin xasuus gaar ah nagu leh, waa maalin la cabudhiyey warbaahinta guud ahaan, waana maalin aanay warbaahintu ilaawi doonin, waxa nasiib daro ah in ilaa hadda Xarunta Wargeysku tahay Xarun boolis, waxa ka nasiib daran inaga oo maalintaas tacsideeda fadhina inuu Madaxweynuhu yidhaah waa Maalin nadaafadeed”

Afhayeenka Ururka SSJW Sagax ayaa isna dhankiisa dhaliili u soo jeediyey Xukuumadda, isaga oo sheegay inay cabudhin , cadaadis iyo xadhig ay ku hayso Suxufiyiinta,

Saleebaan Cabdi Cali(Kalshaale) oo isna ka mid ah Wariyayaasha dalka  ayaa isna dhankiisa sheegay in Xadhiga iyo canbudhinta Saxaafadu yahay bilawga talaabo ay Xukuumada Siilaanyo ku Doonayso inay ku dabar jarto Saxaafada madaxabanaan ee Somaliland.