Shirkadda Nationlink Oo Qayb Libaax Ka Qaadatay Ololaha Maalinta Nadaafada

0
537

Picture3Hargeysa (Geeska)-Shirkada Isgaadhsiinta Nationlink oo ka mid ah Shirkadaha Isgaadhsiinta ee dalka ka jira ayaa si weyn uga dhex muuqday kana qeyb qaatay Ololaha Nadafada ee laga hortagayo nadadaafad darada oo Gobolada, Magaalooyinka, Degmooyinka iyo Tuulooyinka dalka oo dhan ololahan laga qabtay.

Maamulka iyo  Madaxda Shirkada Nationlink oo ay hor kacayaan masuuliyiin ay ka mid yihiin Agaasimaha Waaxda Hawl-gelinta Shirkada Nationlink Cali Cabdillaahi Wacays, Agaasimaha Waaxda Ganacsiga Sayid Abokor Sayid Cabdillaahi Xaaji Cilmi, Agaasimaha Maamulka Cabdisalaan Maxamed Muuse,  Shaqaalaha iyo qeyibaha kala duwan ee Shirkadaha isgaadhsiinta Nationlink, ayaa ka qeyb qaatay ololahan nafaadeed ee Shalay dalka laga qabtay, waxaana waabarigii qashin ururinta ka bilaabeen Xafiiskooda guud, iyaga oo meelo aad u muhiim ah qashin aad u badan ka gurayey, sida jidka faras-magaalaha, Cusbitaalka guud ee Hargeysa oo qashin aad u badan ka guray, sidoo kale waxa ay qashin gur ka sameeyeen xaafado  badan oo ku yaala Degmada Hargeysa, iyaga oo Bulshadana ku  dhiirigeliyey inay ku dadaalan Nadaafada, iskana fogeeyaan wax walba oo nadaafad daro ku keenaya.

Agaasimaha Waaxda Ganacsiga Sayid Abokor Sayid C/laahi Xaaji Cilmi oo isagu ka hadlay ololahan nadaafadeed ee Shirkadoodu ka qeyb qaadatay, ayaa yidhi “Anagu Shirkad Nationlink ahaan waanu ka qeyb qaadanayey ololahan nafaadeed, oo Cisbitaalka guud ee Hargeysa oo ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ayaanu Qashinkii ka qaadnay, haddii aanu Shirkada Nationlink nahayna waxa aanu diyaar u nahay in aanu mar walba ka qeyb qaadano waxyaabaha bulshada danta u ah”

Agaasimaha Maamulka ee Shirkada Nationlink  Cabdisalaan Maxamed Muuse oo isna ka hadlaya dareenkiisa iyo sida ay uga qeyb qaateen ololahan nadaafadeed ayaa yidhi “Ololahan nafadeed waxa aanu ka soo bilawnay, suuqa, anaga oo ka kooban Maamulka, Madaxda iyo Shaqaalaha kala duwan ee Shirkada Nationlink, goobo badan oo muhiim ahna waanu soo marnay, oo ay ka mid yihiin Cisbitaalka guud ee Hargeysa, Suuqa, Kheyriyada, Xaafado ka mid ah Magaalada, diyaarna waxa aanu u nahay in aanu halkaas ka sii wadno hawsha”.

Agaasimaha Waaxda Hawl-gelinta Shirkada Nationlink Cali Cabdillaahi Wacays, oo isna ka hadlay ololahan nafaadeed ee dalka shalay laga qabtaym ee Shirkadooduna ka qeyb qaadatay, ayaa si weyn ugu mahadnaqay cid walba oo ka qeyb qaadatay Ololahan, waxaanu sheegay in ka shirkad ahaan si weyn uga qeyb qaateen ololahan, tilmaamay inay halkaas ka sii wadayaan dadaalka, oo wixii ay bulshada u qaban karaan ay u qabayaan.

Dhinaca kale Shirkada Nationlink oo iyadu wadatay Shalay qalabka kala duwan ee loogu talagalay Qashinka ayaa sida ay uga qeyb qaadatay waxa uga mahadnaqay Maamulka Cisbitaalka guud ee Hargeysa iyo Madax ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.