Xulka Gobalka Maroodi-jeex Oo Sheegay Inay Dacwad Ka Qabaan Qaabkii Loo Reebay

0
563

Picture4Hargeysa (Geeska)- Isu duhuwaha gobolka Maroodi-jeex ee wasaarada ciyaaraha Shiine Jaamac Axmed (Shiine Karaaciin) iyo maamulka xulka gobolka Maroodi-jeex ayaa ka hadlay go’aankii ay wasaarada ciyaaruhu ka qaadatay xulka Maroodij-jeex.

Shine Karaaciin oo ka hadlaayey qaabkii ay wax u dhaceen ayaa yidhi “arrimaha noocan oo kale ah caalamka kumaynaan arag, waxaanu aaminsanahay in gobolka Maroodi-jeex ay lix dhibooc leeyihiin oo cadaalad daro lagaga qaaday, hadii aanu nahay maamulkii gobolka Maroodi-jeex waxaaan halkan ka cadaynaynaa in waxa warbaahinta laga sheegayo aanay waxba ka jirin, mana yeelayno mana aqbalayno go’aanka ay soo saareen”

Sidoo kale macalinka xulka Maroodi-jeex Maxamed Maxamuud (Diridhaba) oo ayaa ka hadlay go’aanka wasaarada, waxaanu yidhi “Sida aad ogtihiin cadaalad daro weyn oo aan aduunka lagu arag ayaa gobolka maroodijeex qabsatay, taas oo nagaga timi deegaankii, xidhiidhkii iyo dadweynihii meesha joogayba (Boorama), waayo lama arag aduunka meel shan kun oo askari ay xabado ridayaan kubadna ha socoto la leeyahay, hadii aanu amni jirin kubad lama ciyaari karo oo waa la ogyahay, waxaa noo cad oo la wada ogyahay in badhasaaka gobolka Awdal uu yidhi ciyaaraha laguma qaban karo gobolkayga ee ka daaya, iyadoo oo guddiyadii hore ee qaban qaabada loo diray ay arrintaas noo sheegeen, isla markaana loo dhabar adaygay oo lagu qabsbay dhalinyarada iyo cid kastaba inay tagto gobolka, waanu tagnay, markii nidaamkii iyo shuruucdii dawladnimaba.. siidhwaluhu wuxuu cadeeyey inay ciyaartu socoto, waxaana ku qasbay oo u yeedhay calanwalaha koowaad oo garoonka toban mitir soo galay, go’aankii garsooraha badalay, arrintaasina caalamka kamay dhicin.