“Xukuumadu Mawqif Cad Haka Istaagto Go’aamada Dawladda Somaliya”

0
526

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid  ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay hadalada ka soo baxaya dawladda Somaliya ee ka dhanka ah Somaliland, waxaaanu sheegay inay dawladda Somaliya ay ka soo yeedhay laba go'aan oo is khilaafsan, halka uu sheegay inay Xukuumadda Somaliland mawqif cad aanay ka qaadan, oo si cad ugu jawaabin.

1111111111111

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya oo uu sheegay in aanay ka soo bixin wax lagu qanco, waxaanu yidhi isaga oo arimahaas ka hadlaya “Somaliya siyaabo kala duwan ayey kaga hadashay arimaha diyaaradaha, markii hore waxa ay soo saartay inay joojisay Diyaaridiihii isaga duulayey Somaliya iyo Somaliya, markii dambe si kale ayey uga hadashay, laakiin Xukuumadda Somaliland mawqif cad kamay qaadan, waxa ay ahayd inay mawqif cad ka qaadato, oo si cad uga hadasho, oo ay iyadu diido isku socodka Diyaaraha, taasina may dhicin.”

Xildhibaan Qabile ayaa mar uu ka hadlaayey wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Hawada, Badda iyo Dhulka Somaliland  waa Dastuuri, waa madax banaan yahay, Somaliland ayaana maamulaysa, oo u xor ah, mana ah in gorgor tan wada hadal iyo shaki la galiyo, sida cadna wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya waa lagaga hadlay, khaladna waxa ahayd in arimahaas lagaga hadlo, maxaa yeelay taasba Somaliland wey u madax banaan tahay, sida runta ahna wada hadaladaas wax midho dhal ah may yeelan, wax la taabto oo ka soo baxay oo bulshada u cuntamay ama ay ku qanceen ma jirto”.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile ayaa mar uu ka hadlaayey Somaliya ayaa yidhi “Somaliya wax niyad iyo xiiso aanu u haynaa ma jiraan, wax badan ayaa inagaga maqan, dhib badan ayey inoo geysteen, maalin walba waa taas la soo faqayo maydadka dadkii ay inaga xasuuqeen, dalkani haddii uu sidaas sii ahaanayo oo uu ictiraaf la’aantaas ku jirayo lagama yaabo inuu mar dambe ku biiro Somaliya, mar ay ahaatana lagama yaabo in aanu saamaxno dadkii ay naga xasuuqeen, ee waanu la xisaabtami doonaa”.