Xogaha Ka Soo Kordhaya Qaraxa Diyaaradda Daallo

0
597

Saraakiil Soomaali ah oo baadhaya wax u muuqda qarax bam oo ku qasbay diyaaradda Daallo inay deg deg u caga dhigato garoonka Muqdisho, ayaa sheegay in ay u eg tahay in qaraxa ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab.

1111111111111

Sarkaal amni oo sare, oo isaga oo magaciisa qariyey la hadlay VOA-da ayaa sheegay in baadhayaasha ay hayaan caddeymo muujinaya in Al-Shabaab ay ka dambeysay qaraxa, islamarkaana ay dhawaan soo gudbin doonaan natiijada baadhitaanka.

Agaasimihii hore ee hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa VOA-da u sheegay in sida wax u dhaceen iyo caddeymaha la hayaba ay muujinayaan in qarax bam uu ahaa waxa dhacay.

Dadka deegaanka degmada Balcad ee duleedka Muqdisho ayaa helay meydka qof jirkiisa go go’ay oo la rumeysan yahay inuu diyaaradda kasoo dhacay, qofkaasi oo ah qofka kaliya ee ka maqnaa dadkii saarnaa diyaaradda markii ay soo caga dhigatay.

Baadhayaasha ayaa rumeysan in ninka diyaaradda ka maqnaa uu qaraxa ka tuuray duleelka ka muquda diyaaradda.

Fiqi ayaa sheegay inuu helay akhbaar ah in qofka la tuhunsan yahay inuu qaraxa ka dambeeyey uu si qasab ah u fariistay kursi u dhow taankiga shidaalka diyaaradda.

Fiqi waxa kale oo uu sheegay in qofkaas uu damacsanaa qarax xooggan oo diyaaradda bur-buriya.

Kabtanka diyaarada waday oo lagu magacaabo Vlatko Vodopivec ayaa Wakaalada wararka ee AP u sheegay in qaraxa waxa sababay ay ahayd Bambaano.

Telefishinka CNN ayaa warbixin uu arrintan ka diyaariyey xog dheeraad ah kusoo badhigay, iyadoo Telefishinka xog ay ka heshay saraakiisha baadhitaanka diyaarada wada ay xaqiijiyeen in diyaarada laga helay raadka waxyaabaha qarxa.

Sidoo kale qaraxa ayaa ah mid ka dhashay gudaha taasi oo muujineysa burburka diyaarada dhinac midig kasoo gaaray, waxaana si weyn loo hadal hayaa in qaraxan loo adeegsaday bambaano ku shaqeysa saacad oo la hoos dhigay mid kamid ah kuraasta u dhaw baalka diyaaradan oo nooceedu ahaa Airbus-321.

Goobta lagu beegay Qaraxan ayaa si toos ah ugu beegan dusha haanta weyn ee shidaalka ee diyaarada, iyadoo la filayo in lala damacsanaa in qaraxaasi uu sii qabsado kaydka shidaalka ee diyaarada, balse qaraxan ayaan gaadhin qeybta hoose ee diyaarada oo ay taal haanta shidaalka.