Xildhibaan Buubaa Oo Sheegay In Xilkii Laga Qaaday Taliyaha Saldhiga Daloodho

0
475

Hargeysa(Geeska)-Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa ayaa si kulul u cambaareeyay xadhig iyo xil ka qaadis uu sheegay in lagu sameeyay taliyihii saldhiga degmada Ibrahim Koodbuur Bedel Xasan Qayil oo uu sheegay in lagu haysto in guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cirro uu xabsigaas ku booqday ganacsade Cumar Caydiid oo ku xidhan.

1111111111111

Xildhibaan Buubaa, oo sh alay saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay in taliyaha lagu bedelay arrintan oo uu ku tilmaamay nasiib darro, "Waxaad la socoteen in gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee wadani mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Oo Ku Booqday shaldhiga ibraahin koodbuur Ganacsadihii waynaa ee Cumar Caydiid oo Sifo aan sharci ahayn ugu xidhan xabsiga halkaasna uu kula hadlay saxaafada, Arimaha layaabka leh ee mucjisada ah ee looma qaateenka ah ee aan caqliga bini'aadamka saxda ah aan gali karin waxa kamida in Taliyihii saldhiga ibraahin koodbuur  Taliye Badal lagu xidhay xilkana lagaga qaaday maxaad ugu sii daysay gudoomiye cirro inuu soo booqdo cumar caydiid.” ayuu yidhi xildhibaanku, waxaanu intaas raaciyay “Runtiina waa waxyaalaha ku tusaya liidnimada ama meeqaamka aan dawladnimada ka taaganay amaba xukumada hada talinaysaa ay ka joogto waxyaalaha ku tusaya weeyaan ee aan loo dul qaadan karin, Marka sarkaal boolis oo qof muwaadin ah soo booqday ama gudoomiyihii baarlamaanka somaliland waaba madaxii ugu sareeyey somaliland. Booqashadiisu waxay ahayd in macal saxaafada qaranku ay macal sheegto waxyalaah dawladnimadeena baabiinaysa ayay ka mid tahay in sarkaalkaa lagu xidho sidaad ugu sii daysay ama uu u booqday waan waxyalaha beesha caalamka indhahooda tusaysa in xukumada siilanyo ee hada talinaysaa ay ka dhacday meeqaabkii dawladnimo"

Wuxuu kaloo ka jawaabay hadal uu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Cabdifataax Siciid, waxaanu yidhi  "Waxaan arkaynay agaasimaha guud ee wasaarada arimaha gudaha Somaliland oo xisbiga wadani ku eedeynayay kacdoono ay samaynayaan oo uu uga digayay oo lahaa waan idinka digaynaa waa wax la yaab leh weeye, shalay ayuu joogay saafarad aan la garanayn haybteeda oo magac u yaal ahayd maanta oo xilkii ugu horeeyey loo magacabay cabdifataaxna waxa uu ku dul turun turooday oo ku dul kufay isaga oo aan qiimayn karaynin waxa uu ka hadlaayo inuu yidhaahdo Waddani ayaa wada kacdoon, wadanina kacdoon kama danbeeyo habeen iyo maalina waxa uu ku jiraa sidii uu  u dajin lahaa bulshada reer Somaliland ee ka gadoodsan ee ka dhiidhiday xadhiga sharci darada ah ee xukumada kula kacday ganacsadaha ayay xisbiga Wadanina hadh iyo habeen u guura bahaleeyaa siday u dajin lahaayen bulshada;  waana inan yar oo an la garanayn markii hore meel uu ka shaqayn jiray oo markii xilkaa lo dhiibayna ku dul kufay Wadani markaa waa dhacdooyinka ay caadaysatay xukumada siilaanyo"