“Xukuumaddu Xaalad Abuur Ayay Dalka Ka Samaynaysaa, Si Ay Doorsahadu Dib Ugu Dhacdo”

0
451

tukaaleHargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdiiqaadir jibriil Tukaale, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, gaar ahaana ka mid ah  Xildhibaanada Mucaaradka, ayaa sheegay in Xukuumaddani dayacday Bulshadii, gaar ahaan Bulshadii danyarta ahayd, isla markaana ay haddana ku faanto wax qabad.

Xildhibaan Cabdiiqaadir jibriil Tukaale, ayaa isaga oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika sidoo kale ka hadlay Doorashada, waxaanu tilmaamay in si ay Xukuumaddani in si dib u dhac ugu rido Doorashada inay dalka xaalada ka abuurayso, waxaanu yidhi isaga oo arimahaas ka hadlay “Xukuumaddani waxa ay ku faanta wax qabad, waxa ay tidhaahdaa waxa aanu dhisnay dhismayaal badan oo ay ka mid yihiin Wasaaraddihii dalka, waa dhab, oo wey muuqdan, laakiin dhismayaashani waa qaar bilaa qorshe ah, dhisme dabaqyo ah oo la iska taagay, oo qaabkii loogu shaqayn lahaa uu meesha ka maqan yahay wax alaale wax ay tarayaan ma jiraan, dadkii danyarta ahaa ee reer Somaliland iyada oo ay bakhtiyayaan, in Xukuumaddani tidhaahdo dalkii horumar ayaanu ku sameeynay, waa ayaan daro”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Xukuumaddani xaalada abuur ayey dalka ka sameeynaysaa, si ay Doorashada dib ugu rido, waxaana la odhan karaa waxa ay Xukuumaddu qeyb ka tahay dhibaatooyinkii ka dhacay  Kalshaale, Baliga Diiriye Guuleed, xaalada ka taagan Gobolka Awdal iyo sidoo kale dhacdadii ugu dambaysay ee Tiyaatarka, waxaana haboon in xaalad abuurka iska dayso oo Doorashada diyaar u ahaato”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale oo hadalkiisa sii wata wuxuu ka hadlay isku shaandhayntii uu Madaxweyne Siilaanyo sameeyay, waxaanu yidhi “Madaxweynuhu xaq ayuu u leeyahay inuu isku shaandhayn ku sameeyo Xukuumaddiisa, in masuulka uu doono xilka ka qaado, in masuulka uu doonana uu magacaabo, cid uu kala tashanaaya ma jirto, laakiin waxa aan ku faraxsan ahay is casilaada Wasiirkii Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo sida uu ugu adkaystay, waxaana leeyahay waxa uu muujiyey talaabo geesinimo leh, madaama uu diiday inuu ka tanaasulo go’aankiisa”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale ayaa mar uu ka hadlaayey wada hadalada Somaliland iyo Somaliya yidhi “Markii hore qorshaha ay Somaliland la tagayso wada hadalada Somaliya muu ahayn mid qorsheysan, waxaana xusid mudan in markii hore ay isku koobto, oo cid alaale cid ay kala tashatay ma jirto,in marka Somaliya lala hadlayo, waxa laga hadlaya masiirka Umadda, in Xukuumaddu isku koobtana wax meesha qabto oo Umadda dan u ah, maaha, ee waa in qeybaha kala duwan ee Bulshada, Xukuumadda , Axsaabta Qaranka iyo  Golayaasha Sharci dejinta ka wada qeyb galaan”.