“Xukuumadu Way Ku Degdegtay Tegitaanka Shirkii Turkiga”

0
485

ciroHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay inay xukuumadda Somaliland ku deg degtay shirkii Turkiga ee fashilmay ee ay Somaliya kula hadlaysay.

Md. Cirro oo u waramay telefishanka HCTV, wuxuu sheegay inay xukuumadu ku deg degtay tegitaanka shirkaas. “Xukuumadu way deg degtay oo weftiga imanayaba haddii aanay ogayn way ku deg degtay inay tagto.” Ayuu yidhi Cirro oo tilmaamaya in heshiiska Somaliya iyo Somaliland ahaa inaan wada hadalka laga qayb gelin cid Somaliland ka soo jeeda.

Wuxuu Guddoomiye Cirro sheegay inay iska cadayd marka horeba in wada hadalkani burbur ku dhammaanayo. Waxa kale oo uu guddoomiye Cirro tilmaamay inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo  ay wada hadalka ka wareejisay wadankii uu ka bilaabmay oo ahaa Ingiriiska. “Waxaan is leeyahay xukuumadu way bedeshay halkii wada hadalka markii hore loogu tallo galay.”