Shirkadda Telesom Oo Deeq Lacageed Gudoonsiisay Guddida Waddada Alaybadey Iyo Daladda SONYO

0
432

Telesom-guddida-waddadaHargeysa – (Geeska)- Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa laba munaasibadood oo kala gadisan deeq lacageed oo dhan afartan kun oo dollar ($40,000) kaga qayb-qaadatay dhismaha waddada  Alaybadey ilaa Arabsiyo iyo dhismihii loo sameeyey Daladda dhalinyaradda ee  SONYO.

Munaasibada Koowaad ayaa ka dhacday Xarunta guud ee Shirkadda Telesom waxaay shirkadda Telesom $20,000 oo dollar gudoonsiisay Guddida Wadada Alaybadey ilaa Arabsiyo. Waddadan oo cabirkeedu dhan yahay 50 km. Wajiga koowaad ee waddadan ayaa ilaa hadda caro-tuul la dhigay sideed kilo-mitir.

Maamule ku-xigeenka Waaxda Suuq-gaynta iyo xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo ayaa ugu horayn ka hadlay deeqdan shirkadda Telesom kaga qayb-qaadatay  wajiga hore ee Waddada Alaybadey ilaa Arabisyo, isagoo arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi, “Waxay shirkaddu had iyo jeer u heelan tahay inay ka qayb-qaadato horumarka dalka iyo qaybaha lagu horumarinaayo dalka. Gobol kasta oo wax qabsanaaya oo horumar ka muuqda shirkadu qaybteeda way ka qaadataa iyadoo faa'iidadii ay ka heshay dadka ay dib wax ugu celiso. Shirkaduna qayb laxaadle ayey ka qaadataa horumarka dalka waana arimaha shirkaddu u aasaasan tahay ee laf-dhabartada u ah. Shirkadda oo ah shirkad ay ummadda Somaliland oo dhan wadda leeyihiin cid walbaana ay ku jirto ”

Maxamed Cabdi darbo oo ku hadlaayey afka shirkadda ayaa gudoonsiiyey guddida waddada Alaybadey  ilaa Arabsiyo lacag dhan $20,000 lacagtaasi oo qayb ka noqon doonta wajiga kowaad ee dhismaha waddadan.

Ibraahin Xuseen oo ah Gudoomiyaha Guddida Waddada Alaybadey ilaa Arabsiyo ayaa shirkadda Telesom ka gudoomay lacagtan deeqda ah mahadnaqna u soo jeediyey shirkadda waxaanu yidhi, "Waanu ka gudoonay shirkadda lacagtaa $20,000 ee dollar ah oo aad kaga qayb qaadanaysaa waddada Alaybadey ilaa Arabsiyo oo muhiimad weyn dalka ugu fadhida. Waddadani waa waddo ummadda Somaliland oo dhami wadda leedahay aad baan idiinka mahadnaqaynaa" Sidaasi waxaa yidhi Ibraahim Xuseen.

Waxaa sidoo kale munaasibadan ka hadlay Muuse Yusuf  Muxmumed oo ka mid ah xubnaha Guddida Waddada Alaybadey ilaa Arabsiyo waxaanu yidhi, “Shirkadda Telesom waa halbowlaha dalka waa halbowlaha ummadda waa udubadda waaweyn ee ay ku taagan tahay. Horumarka dalka qayb weyn bay ka qaadataa meel kasta oo laga waddo wadooyinka dalkoo dhan iyo horumarka kaloo dhan. Umadduna abaalka shirkadda way celisay shirkaddu abaalka umadda way celisay”

Shirkadda Telesom ayaa sidoo kale maanta $20,000 Gudoonsiisay maamulka Dalada Dhalinyaradda  SONYO. Munaasibadan oo ka dhacday xarunta dalada SONYO. Ugu horayn waxaa munaasibadaasi ka hadlay Maamule ku-xigeenka Waaxda Suuq-gaynta iyo xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo waxaanu sheegay doorka ay shirkadda Telesom ka qaadato horumarka dalka waxaanu yidhi, “Horta marka hore waxaa mahad gaar ah u dirayaa boodhka todobaad ee SONYO run ahaantii sidii ay u xeliyeen khilaafkii. Telesom iyo SONYO xidhiidh weyn baa ka dhexeeya. Maadaama shaqaalaha TELESOM 85% ay yihiin dhalinyaro annaga muhiimad gaar ah ayey SONYO noo leedahay”

Maxamed Darbo oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, "Waxaanu kaloon dareensan nahay qiimaha ay SONYO dalka ugu fadhido maadaama ay tahay dalad heer qaran ah oo magacii dhalinyaradda ay huwan tahay"

Maxamed Cabdi Darbo ayaa ka waramay dhibaatooyinka dhalinyaradda Somaliland haystaa, kaalinta ay shirkadda Telesom ka qaadato shaqaalaysiinta dhalinyaradda, waxaanu ugu dambayn gudoonsiiyey maamulka SONYO lacag dhan $20,000.

 

Kulanka waxaa isaguna ka hadlay Agaasimaha fulinta daladda SONYO Siciid Maxamed Axmed waxaanu mahadnaq u soo jeediyey shirkadda Telesom waxaanu ka hadlay sida shirkadda Telesom u garab joogto dhalinyaradda Somaliland waxaanu yidhi, “Waxaa mahad aan la soo koobi karin leh shirkadda Telesom oo runtii  aad iyo aad qayb laxaadle uga qaadata dhismaha iyo kobcinta dhalinyaradda iyo ta qarankaba. Telesom waxaanu ku hambalyeynayaa in baahidii aanu dhalinyaro ahaan u qabnay ee dhismahan iyo qalabayntiisa, quruxintiisa iyo dhaqaajintiisaba ay ka jawaabeen”  Sidaasi waxaa yidhi Agaasime Siciid.

Ugu dambayntii waxaa isaguna kulankaasi ka hadlay Gudoomiyaha Dalada Dhalinyaradda SONYO Siyaad Cumar Cali waxanu yidhi, "Farxad bay noo tahay in anaga oo ah boodhkii todobaad ee SONYO inaanu ka gudoono soo dhawayno hambalyeyna shirkaddaa Telesom. Aad iyo aad baanu ugu mahadnaqaynaa. Markastoy ururada SONYO ku jiraa ay shaqadoodu balaadhato dhalinyaro bay camal u abuurayaan. Markastoon dadaalno markastoon shaqo abuur samayno macmiil baa u soo kordhaya. Markaa aad iyo aad baad u mahadsan tihiin, siyaabo kala duwan baanu idiinku soo celinaynaa waxaad nagu taageertaan".

Gudoomiyaha Daladda SONYO Siyaad Cumar Cali ayaa sheegay in daladda SONYO ay u aqoonsatay shirkadda Telesom in ay tahay 'Wehelka dhalinyaradda Somaliland'