“Xukuumaddani Si Badheedha Ah Ayey U Inqilaabtay Dastuurkii” Xildhibaan Qabiile

0
541

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, ayaa Xukuumadda ugu baaqay in muddada kooban ee uga hadhay muddo xileedkeeda in aanay khilaaf iyo wax walba oo baajin kara Doorashada in aanay sameeynin, ee Doorashada wakhtigeeda ay ku qabato.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka ka dhex taagan Golayaasha Deegaanka ee Gabiley iyo Saylaca, waxaanu sheegay inay Xukuumaddu sabab u tahay, oo sharcigii dalka siday doonto ay ka yeelayso, waxaanu yidhi “Xukuumaddani xadkii bay ka baxday, ee qodobada 107, 108,109 iyo 110 ee Dastuurka, waa qodobada ka hadlaya is maamulka Gobolada iyo Degmooyinka, ee uu ka sameeysaysan yahay xeerkan 23 ee is maamulka Gobolada iyo Degmooyinka, xeerarkaas oo dhan Xukuumaddu wey jabisay, arinkaasina wuxuu ina tusayaa, inuu dalka ka dhacay inqilaab Dastuuriye, astaana waxay u tahay in shuruucda iyo sharciga dalka in la iska indho tirayo iyo  halkay wax marayaan, waxayna Xukuumadda ujeedadu tahay in aanu Gobolna is maamuli karin, Degmana isma maamuli karto, xeerna ma shaqeeynayo,Masuul kasta oo qaranka ahina kama sareeyo Dastuurka, ee inta uu haybada iyo sharafta uu ku leeyahay waa inta uu ka dhawrsoon yahay Dastuurka dalka, balse Xukuumaddani si badheedha ah ayey u inqilaabtay Dastuurkii, arimaha ku dhacay Golayaasha Deegaanka ee Saylac iyo Gabiley, waa fadeexad qaran waana badheedhkii ugu dambeeyey ee Xukuumadda, ee Xukuumaddu faraha ha kala baxdo arimaha Golayaasha ee Degmooyinka dalka”.

Xildhibaan Qabile mar uu ka hadlaayey muddo xileedka u hadhay Xukuumadda ayaa yidhi “Maaha xilliga ay Xukuumaddu ku kici lahayd waxyaabahan, arimahana waxay xasarad ku yihiin xasiloonida iyo deganaasha loogu gogol xaadhi lahaa Doorashada, waxyaabahan ay Xukuumaddu wadana waxay dareen ka sii bixinaysa xaalada uu dalku ku sugan yahay, marka anigu waxaan ku talin lahaa Wasaaradda Arrimaha Guddaha amarada ay bixinayso inay joojiso, ee xeerarka dalka ay ku shaqeeyso, dadku hadal wey ka soo xiiqeen, oo hadda qof walba oo muwaadin ahi uu fikirayaa, Sharciguna waa hanti ay umaddu leedahay, cid walba oo is hor taaga sharciguna sharaf yeelan mayso, haddii uu Madaxweyne yahay iyo haddii uu Xildhibaan yahayba, arimahan dhacayna waa arimo Qaranka oo dhan khuseeya gaar uma aha Gabiley iyo Saylac, waxaynu ogeyn in Boorama Xildhibaano laga soo xidh-xidhay, 21 Degmo ee dalkuna waa inay arinkan ay hoos u eegaan anigu garan maayo meel ay u dacwoodane”.

Qabile oo hadalkiisa sii wada ayaa yidhi “Arinkani waa arin fadeexad qaran oo qaawan, oo aan Wasiir iyo Wasiir ku xigeen iyo Wasiirul-dawle aan lagu sheegayn, ee waxa la yidhi hadaad aragto gacan biyo wada, wabiga ka raaliya, Xukuumadda maanta joogta waxay haybadeeda iyo sharafteedu ku jirtaa wixii dhacay wey dhaceene, in muddada kooban ee u hadhay dalka doorasho gaadhsiiso, haddii ay shuruuci shaqeeyn weydana dawladi ma jirto, ee bal Doorashaduun ha inagu sinto Xukuumaddani, Doorashadana waxaan leeyahay buuq iyo khilaaf dib inooga rida ha inaga ilaaliya”.