Wasiirka Cadaalada Oo Ka Hadlay Maxaabista Muddo Dhaafka Ugu Jira Jeelasha

0
576

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Cadaalalda Axmed Faarax Cadare, ayaa ka hadlay waxa ka jira inay jiraan  maxaabiis iyagu xukunkoodu muddo dhaafay ama maxaabiis aan la xukumin oo iyagu jeelasha ku jira, waxaanu tilmaamay in kiisaska maxaabiistu ku xidhan yihiin dambi iyo madani, oo inta badan dambiilaha la xukumo, halka kiiska madaniga uu xidhay qof dayn ku lahaa, oo marka uu bixiyo la sii dayo, waxaanu xusay in aanay jirin maxaabiis iyagu sabab la’aan ku xidhan, waxa kale oo uu sheegay inay Maxaabiista si fiican loo daryeelo oo xitta wax la baro.

Wasiirka Wasaaradda Cadaalalda Axmed Faarax Cadare oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay halkay marayso cadaalada Somaliland iyo is bedelka ku yimid, waxaanu yidhi ugu horeyn isagoo ka hadlaya Cadaalada  “Cadaaladii is bedel xoog badan baa ku dhacay, markay noqoto dhismihii, nidaamkii shuruucdii, wax badan baa iska bedelay cadaalada, waxyaabihii is dul fushanaan jiray ayaa la kala nadiifiyey, xitta markay noqoto shaqaalaha, tababarkooda iyo tayeyntooda sare ayaa loo qaaday, marka runtii wax badan oo la taaban karo ayaa is bedelay”.

Wasiirka Cadaalada mar aanu wax ka weydiinay sababta keenta in Maxaabiis aan xukunayni ku jiraan jeelasha ayaa ku jawaabay “Halkaasi waxay u baahan tahay in laga taxadiro, ee maaha in la yidhaahdo maxay ugu jiraan , oo dadka xidhani waxay kala yihiin Madani iyo Dambile, oo qofka qof lacag ku leh, qofkii baa lacag u haysta, ee qofka waxa loo hayaa inuu dayntii iska bixiyo, ee laakiin sabab la’aan cid jeelka loogu hayaa ma jirto, Xukuumaddu dad badan oo ganaaxyo iyo waxyaabo kale u xidhanba sii daysay, oo cafiska Madaxweynaha ayaa lagu sii daayey, iyo cafisyo kaleba, laakiin dadkii madaniga ahaa ee daymaha u xidhnaa, ee aan awoodin inay iska bixiyaan, in ganacstada iyo dadka muxsiniinta ahi ka bixiyaan daymaha loo haysta, waana sadaqo oo wey ku baxaysaa”.

Wasiir Caddare mar uu ka hadlaayey daryeelka Maxaabiista ayaa yidhi “Daryeelka Maxaabistu meeshii ugu wanaagsanayd buu marayaa, duruufaha dhacay ee shubanada meel walba taabtay, oo ay kala mid ahaayeen mujtamaca, mooye, si fiican baa loo daryeela, xitta waxbay bartaan, oo farsamadii gacanta ayey bartaan, laydhka ayey bartaan, nijaarida ayey barytaan, wasdaadida ayey bartaan, oo carabada ayey bartaan, xitta qaar baa quraanka xafiday”.