Al-Shabaab Oo Qaraxyada U Adeegsta Hubka Ay AMISOM Ka Qabsato

0
606

Baadhitaan dhawaan lagu sameeyey qaraxyada Al Shabaab ay ka geysato gudaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa lagu ogaaday hubka ugu badan oo ay u adeegsadaan weerarada inay yihiin hubkii ay kooxdaasi ka furatay ciidamada AMISOM.

Greg Robin oo kamid ah khabiirada dhanka Qaraxyada oo ka qeyb qaatay mashruuc baadhitaan oo ay maalgelisay dawlada Ingiriiska oo lagu baarayey qalabka loo adeegsado qaraxyada ay Al shabaab fuliso ayaa sheegay in xog badan ka heleen aaladaha iyo siyaabaha ay Al Shabaabo u sameyso qaraxyada ay dadka badan ku disho.

“60% Qaraxyada Al Shabaab koonfurta Soomaaliya iyo gudaha Kenya ka geysato waxaa laga sameeyey hubkii iyo bambaanooyinkii ay ka heleen xeryaha AMISOM….” Ayuu yidhi Greg Robin oo wareysi siiyey jariirada Daily Nation ee kasoo baxda dalka Kenya.

Mr.Robin ayaa sheegay in Al Shabaab hub aad u badan ka heleen xeryihiin ciidamada Kenya oo ay weerareen sanadihii lasoo dhaafay, hubkaasina ay hada u adeegsadaan qaraxyada iyo miinooyinka.

Aalada wax qarxisa ee RDX- explosives oo sidoo kale loo yaqaan “cyclonite”, ayaa u badan waxyaabaha qarxa oo ay Al shabaab hada adeegsato, waxaana laga sameeyey hubkii ay ka qabsadeen ciidamada AMISOM. Aaladan ayaa waxaa lagu sameeyaa dalka Britain waxayna ka xoog badan tahay aalada wax qarxisa ee TNT, sida uu sheegay khabiirkan.

Ragga AL Shabaab u sameeya bambaanooyinka ayaa aaladan wax qarxisa kusii dara (aluminium powder) si ay sare ugu siiqaadaan waxyeelada ay

bambaanooyinkooda geystaan.

Sida warbixintu sheegtay Al Shabaab ayaa qarxiyayaasha u adeegsada Telefoonada gacanta iyo Car alarm, oo ay kusii xidhaan batteriga bootooyinka ee 12V battery, fiilooyinka isku xidha ayey inta badan ka keensadaan Yemen, ayuu yidhi khabiiran ka qeyb qaatay baadhitaano ka dhacay gudaha Soomaaliya ee lagu eegayey bambaanooyinkii loo adeegsaday weeraradii Al Shabaab.

Xog aruurintan ayaa sidoo kale lagu ogaaday in AL Shabaab ay sanadkii hore 2016 laba jibaartay weerarada qaraxyada noocaan ah u adeegsadaan kadib markii ay hub badan ka furatay Amisom.

Wuxuu sidoo kale khabiirkan sheegay inaysan helin ama aysan jirin wax cadeyn ah oo muujineysa in Al Shabaab wax taageero ah ka hesho dalalka muslimiinta.