“Xukuumadda Waxaa Ku Waajib Ah Inay Dadka Iyo Dalkaba Ilaaliso, Shacabkeedana U Naxariisato”

0
540

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Maxamed -weli Warsame Cali, oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay muhiimadda ay nabadgalyadu leedahay, waxaanu soo jeediyey in laga digtoonado oo la iska ilaaliyo wax walba oo nabadgalyada lid ku ah.
Xildhibaan Maxamed-weli Warsame Cali, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisii ku bilaabay “Nabadgalyada ilaalinteeda inaynu mar walba xil iyo masuuliyad iska saarno ayaa la inaga rabaa, cid walba oo nabadgalyada lid ku ahna in gacan bir ah lagu qabto weeye, maxaa yeelay imaanka iyo nabadgalyada, nabadgalyada ayaa la horeeysiiyey, nabadgalyada oo waxyeelo ku timaadana haba yaraate wax inoo hagaagaya ma jiraan, ee aynu mar kasta ilaashano nabadeena, oo aynu ka hor tagno wax walba oo nabadgalyada waxyeelo iyo lid ku ah, Xukuumaddana waxaa ku waajib ah inay dadka iyo dalkaba ilaaliso, oo shacabkeeda u naxariisto”.
Mar uu ka hadlayey Coronavirus wuxuu yidhi “Inagu Muslim ayeynu nahay, ILLAAHAY ayeynu aaminsan nahay ee Coronavirus waa karbaash uu ILLAAHAY gaalada u soo diray,
ee ciddii Muslim ah ee ku dhimatay ILLAAHAY ha u naxariisto, mar walbana imaankeenu qawi aynu ka dhigno”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here