Wasaaradda Caafimaadka Oo Ku Dhawaaqday Laba Ruux Oo Somaliland Jooga Oo Laga Helay Covid_19

0
721

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday labadii Qof ee ugu horreeyay ee qaba Xanuuna Covid_19 ee jooga Gudaha dalka.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdillaahi oo Xalay Fiidkii Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in laba Qof oo midkood Shiinaha u dhashay, midka kalena yahay reer Somaliland laga helay Xanuunka Covid_19, ka dib markii Shaybaadh lagu sameeyay.

Wasiirka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Maanta oo ay Taariikhdu tahay 31-ka saddexaad, 2020 (Shalay) waxaanu xaqiijinaynaa laba xaaladood oo qaba xanuunka Covid_19, kuwaasi oo midkood ku sugan yahay Magaalada Berbera oo dhalasho ahaana ah Chine, ka labaadna wuxuu ku sugan yahay Magaalada Burco, waana Qof reer Somaliland ah oo haysta dhalashada Ingiriiska, labadan Xaaladood waxaanu arrinkooda ogaanay 26-kii bishan, Maalintii Jimcaha ee Bishu ahayd 27 waxaanu Maamullada Caafimaadka ee Magaalooyinka Burco iyo Berbera ku amarnay in shaybaadh lagu sameeyo si loo hubiyo inay xanuunkan qabaan iyo in kale.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Shaybaadhkaa waxa samaysay Wasaaradda Caafimaadka, Natiijadii soo baxdayna waxay noqotay inay qabaan xanuunka, laakiin si aanu u hubsano waxaanu 28-kii bisha dhiiggoodii u dirnay Shaybaadh ku yaalla dalka Kenya oo ay WHO aqoonsan tahay, markii Shaybaadho dheeraad ah lagu sameeyay waxa Xalay (Habeen hore) na soo gaadhay in la soo xaqiijiyey oo ay is waafaqeen baadhitaankii aanu Annagu samaynay iyo baadhitaanka uu sameeyay Shaybaadhka ku yaalla dalka Kenya, labadaa Qofna yihiin laba Qof oo qaba Xanuunka Coronavirus.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu amar ku siinay dhammaan Maamullada Caafimaadka ee Gobollada Saaxil iyo Togdheer inay bilaabaan in la daba-galo ama baadhitaan lagu sameeyo Dhammaan Dadkii ay Dadkaasi la kulmeen, si aanu u xaqiijino ama u hubino inay jiraan Dad kale oo iyaguna xanuunkaa qaba, wixii baadhitaannadaa ka soo baxana waanu idinla wadaago doonaa, labada Qofna Xaaladdoodu way deggan tahay..”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here