Xukuumadda Wali Waa Laga Sugayaa Balan-qaadkii Dhismaha Waddada Baligubadle: W/Q. Cabdillaahi Cadmaawi

0
585

Picture1

Waxaan jecelahay in aan wax yar ka tilmaamo mashaariicda ay dawladdu ka wado Somaliland. Haddaba mashaariicda gobolka M/Jeex gaar ahaan degmadda Axmed Dhagax iyo gobolka Hawd waxaa jira in aan ka war haynay in madaxweynuhu bixiyey lacag dhan $ 350,000 oo waddada Baligubadle. Lacagtaas ilaa manta way u dabrantay shaqada waddada.

Lacagtaas waxay ka soo bixi laadahay wasiirka maaliyada iyo X/xisaabaadka guud, iyada oo lacagtii wadooyinka ee ka danbeeyey ay bixiyeen X/xisaabaadka guud.

Haddii aan ka soo jeedno gobolka M/Jeex iyo Hawd waxaan madaxtooyadda u sheegaynaa in bulshadda gobolka Hawd ay xukuumaddu si deg deg ah uga hawlgasho balan qaadkii safarkii madaxweynuhu ku maraayey dalka. Wasiiradda maaliyadda way fulisay mashruucii riiga, waxa kale oo la fuliyey jeegag ka danbeeyey oo bishii Feb. baxay oo ka baxay X/guud.

Hadaba waxaan xukuumadda ka haynaa marka aan la faanayn $ 100,000 oo Xirsi siday, waxaa kale reer Baligubadle ayaa samaystay, hadaba ma waxaa la keenayaa shantii hore dhamaadee ma labada kale dabadood-baa la keenayaa. Siyaasiyiintii deegaanka  ee ku jiray xukuumadda waa shaqaale waxay ku qasban yihiin la shaqaynta xukuumadda iyo rabitaanka anaga shacab ahaan ayaa baahida sheegayna.

Waxa kale oo aan ka hadlayaa biyaha Degmada Axmed Dhagax, waan soo dhaweynayaa biyaha mashruuca weyn ee socdda iyo ka xunbo weyne labadaba. Waxaa jira in la’ban qaaday Barkad laga qodaayo buurta Caaanaha, waa in la raaciyaa mashaariicda socota.

Hadii ay dhamaadaan mashaariicdd biyaha ee caasimaddu galbeedka iyo bari ay  sidaa ku dhamaadaan waxay ayaan daro ku tahay dawladda iyadoo Axmed Dhagax bilaa biyo ah.

Waxaan madaxweynaha ku hambalyeynayaa xoghayaha D/hoose sida dheelitir loogu sameeyey caasimadda, waa uu ku mahadsan yahay.

Xaga saddexda xisbi qaran waxaan u waxaan u rajaynayaa inay sidaas u wada hadlaan ayna ku dhamaystaan inta aanan u baahan beel kale, codkana Somaliland-baa iska leh

Waxa qoray Cabdilaahi Cadmaawi