Awoodda Maskaxda Aadamuhu U Leedahay In Ay Wada Hadasho Iyada Oo Kala Fog

0
625

Picture2Sidee Aad Ku Garan Kartaa In Qof Aan Kula Joogin Kugu Fikirayo? Waxaa soo ururiyey Kamaal A. Cali

Hargeysa (Geeska)- Ogaanshiyaha in maskaxda aadamuhu xidhiidhi karto iyada oo kala fogi wax cusub kuma aha dunida, waayo muddo dheer ayaa siyaabo kala duwan loo soo xaqiijinayey, uma jeedno in khubarada sayniska iyo cilmiga adduunka ku xeeldheer oo keliyi ay ka hadleen, balse diinta Islaamka qudheeda ayaa caddayn looga heli karaa, haddii la doono sababtaba ha la isku khilaafo ee, marka laga yimaaddoo xadiiskii Nebi Muxammed (SCW) laga soo wareiyey ee aynu qaybtii hore ee qormadan ku soo sheegnay, waxaa iyaduna xusid mudan qisadii Amiirkii muuminiinta Cumar Bin Khadaab (Alle ha ka raalli ahaado) uu isaga oo jooga magaalada barakaysan ee Maddiinka Masaajidka dhexdiisa kala hadlay ciidan uu dagaal u diray oo joogay meel hadda ku aaddan dhulka Iiraan.

Aynu qisada faahfaahinno, “Cumar Bin Khadaab (Alle ha ka raalli ahaado) xilligii uu ahaa amiirka Muslimiinta ayaa uu diray ciidan uu madax uga dhigay nin lagu magacaabi jiray Saariyah. Haddaba maalin ka mid ah maalmihii uu ciidankani hawlgalkii amiirku u diray ku maqnaa, ayaa Cumar oo masaajidka Maddiinah uga khudbadaynaya muslimiinta, waxa uu mar keliya joojiyey khudbaddii, markaasuu cod aad u dheer ku yidhi, “Dhinaca Buurta Saariyoow. … Dhinaca Buurta Saariyoow..!”  Mar dambe, markii ciidankii muslimiintu uu dib ugu soo guryo noqday Madiinah, ayaa ninkii ciidanka watay uu sidii caadiga ahayd warbixintii hawlgalka u keenay Amiirkii muuminiinka waxa aanu ku yidhi, “Amiirkii Muuminiintoow, ciidankii aad noo dirtay ayaa aanu is galnay, kadib waa lana jebiyey, annaga oo firxad ah oo lanaga awood batay ayaanu mar keliya maqalnay, cod qaylinaya oo leh: Dhinaca buurta Saariyoow, kadib dhincii buurta ayaanu u baydhnay oo aanu dhabarka saarnay, sidii ayaanan kaga xoog badannay cadowgii” Waa karaamo uu Alle (SWT) siiyey asxaabigan sharafta badan, haddana waa caddayn ina tusaysa sida ay maskaxda aadamuhu u xidhiidhi karto iyada oo aad u kala fog.

Siddee aad ku garan kartaa in cidi maskaxda kugu hayso?

Xeeldheerayaasha sida cilmiga ah u baadhay xidhiidhka maskaxda aadamuhu waxa ay sheegeen in aanu xidhiidhkaasi ahayn mid ula kac ah oo qofku uu doonayo in uu maskaxda kala xidhiidho qofka kale, balse uu yahay mid ku imanaya si dabiici ah oo aanu qofku ku sii talogelin.  Waxa kale oo ay khubaradu sheegeen in qofku uu mararka qaarkood si kedis ah u garan karo qof meel ka dheer jooga oo isla markaa niyadda ku haya, iyaga oo sii faahfaahinaya sida lagu garan karana waxa ay sheegeen.

Marka aad si kedis ah u dareento shucuur kalgacal oo qof ehelka ama asxaabta ka mid ah aad u hayso, oo weliba xusuustani ay kula muuqato sida oo ay tahay xaqiiqo hortaada taalla, waxa aad ogaataa in qofkaasi uu isna isla markaas niyadda kugu hayo. Tusaale aynu ku sii iftiiminno; marka aad xasuusato aabahaa ama hooyadaa ama walaalahaa mid ka mid ah, ama saaxiibkaa, ee xusuustaasi ay tahay mid si dabiici ah uun isaga timid oo aanu ka horreyn ka fikir aad marka hore qofkaas ka fikirtay kadib markii arrin kale oo iska caadiya aad ku xasuusatay, waxa aad ogaataa in ay tahay xidhiidh maskaxdu la samaysay maskaxda ruuxaas. U fiirso marka adiga oo dugsiga jooga ama shaqada jooga ama adiga oo safar ku jira, uu si kedis ah uun uu maskaxdaada qofkani ugu soo dhaco, kadibna aad dareento shucuur kalgacal iyo xiise gaar ahi ku ladhan yihiin oo dhankiisa kuu sii jiidaysa, tusaale ahaan aad xiisayso in aad la xidhiidho iyo in aad booqato, waa taas shucuurta loo jeedo ee kuu sheegaysa in isla qofkaas aad ku fikiraysaana uu isna saacaddaas qudheeda kugu fikirayo.

Waa arrin cilmi ahaan aan si kama dambays ah loo xaqiijin sababaheeda iyo hannaanka ay ku timaaddo, laakiin in badan la arkay xaqiiqadeeda, marka ay marar kala duwan kugu dhacdo ee aad la qabatintana aakhirka keenaysa in aad si fudud u garan karto qofka kugu fikiraya.

Imisa jeer ayaa ay kugu dhacday in aad si kedis ah u xasuusato qof, oo aad dareento shucuur ah in aanad muddo hebel ka xidhiidhin, kadibna uu isla qofkiiba si yaab leh markiiba talefanka kaaga soo garaacay?!  Ma kugu dhacday in aad meherad ama meel kale oo aanad hore u arkin timid, kadibna markii aad gudaha u gashay uun mar keliya maskaxdaada ay ku soo dhacday su’aal ah, “Horta halkan hore miyaanad u iman?!! Ama hadalkaa hebel leeyahay mar horena miyaanad isla isaga uun ka maqal?!!  Ama aanay dhicin adiga oo iska fadhiya inta uu talefanku soo dhacay inta aanad eegin in aad tidhi, waa hebel! Oo hebelkii aad sheegaysay aanu noqon?!!

Dhacdooyinkan iyo tobannaan dhacdo oo la mid ah oo aynu aragnaa waxa ay inooga marag kacayaan, in ay jirto awood dareen oo ay maskaxda aadamuhu ku xidhiidho iyada oo kala fog. Waa hab maskaxdaadu ay kula xidhiidhay qofkan maskaxdiisa oo isaguna isaga oo aan dareensanayn in sababta uu kula soo xidhiidhay, ama kuug yimid ay tahay xidhiidh dhinaca maskaxda ah oo idin dhex maray uu fulinayo arrintii, waayo isagu waxa uu og yahay keliya in maskaxdiisu ku xasuusatay, mase oga in xusuustaasi ay ku timid xidhiidh maskaxda qofkan kale dhex maray