Suldaanka Beelaha Jareerweyne Oo Shacabka Somaliland Ku Bogaadiyay Maalinta Qaranimada

0
570

Suldaanka guud ee beelaha Jareer-weyn ee Somaliland Suldaan Arwaax Suldaan Maxamed oo uu waheliyo guddoomiyaha jaaliyada beelaha jareerweyn ee Somaliland Eng.Siciid Xasan Aadan, ayaa iyaga oo ku hadlaaya magacooda iyo magaca beelaha Jareer-weyn ee ku dhaqan Somaliland hambalyo u diray xukuumada uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo gebi ahaanba shacbiga Somaliland meel kasta oo ay caalamka ka joogaan.

Suldaanka iyo guddoomiyaha, ayaa shacabka iyo xukuumadoodaba ugu hambalyeynaya munaasibada 24 guurada madax-banaanida umadda Somaliland, waxaa kale oo annaga oo matalayna beesha Jareer-weyn aanu aad ugu faraxsanahay una taageer sanahay una taageersan yihiin madax-banaanida shacabka Somaliland,

Waxa kale oo mas’uuliyiintaasi beesha Jareer-weyn intaas ku dareen in ay barbar istaagayaan shacabka iyo xukuumada Somaliland, waxaana ay shacabka iyo xukuumadaba u rajeeyeen in Illaahay uu sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo nabad iyo horumar .

Ugu danbeyntii Suldaanka iyo guddoomiyaha jaaliyada Jareer-weyn, waxaa ay sida oo kale dawlada Somaliya ee uu madaxweynaha uu ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqeen in ay aqoonsadaan madaxbanaanida Somaliland oo ay ka daayaan dibin daabyada, waxayna ugu baaqeen Soomaalida intooda kale in ay sameeyaan talaabooyinkaas oo kale.