Xukuumadda Somaliya Ma Noqon Doontaa Mid Dadkeeda Dhibka Ka Saarta? Axmed Maxamed Aadan (Qaybe)

0
465

 

Picture2Tan iyo intii Dawladii Maxamed Siyaad Barre ee labaatanka sanadood jirtay ee burburtay (a failed State) sanadkii 1991-kii, Somalia xukuumad La’aan bay noqotay. Dhowr jeer ayaa la isku deyay in la dhiso xukuumad dalka ku soo celisa nabad iyo dimuqraadiyad.

Xukuumadii Cabdilaahi Yuusuf ee Nairobi lagu dhisay maahee waxaa Jabuuti lagu dhisay xukuumadihii Cali Mahdi. Tii  Cabdiqaasim Salad Xasan oo  Cali Khaliif ku magacaabay Prime Minister.Labaduba waa jaamiciyiin heer sare ah muda yar kabacadi markay  Wada shaqeeyeen ayey is khilaafeen.  Cali Khaliif wuxuu ku biiray  qabiilka  Abgaal oo mucaarid u badnaa isagoo ka soo hor jeestay Madaxweynahiisii magacaabay, Qabiilkiisa  Dhulbahantaha dhabarkuu u jeedayey oo tageeradoodi buu lumiyey. Baarlamaankii ayuu Cabdiqaasim mooshin hor geeyey Cali Khallif  xilka lagaga xayuubinayo waana la ansixiyey.

Xukuumadii Sheekh Shariif ayaa marna Farmaajo ku magacaabay Prime Minister marna Cabdiweli ayaa  dhamaystay xiligii Madaxweynanimada ee hore, mar labaad ayuu isa sharaxay kuma se guulaysan  markuu xukunka ka dageyna nabadgelyo daradii iyo colaadii waa socdaan. Xukuumadii dhowaan la  dhisay ee Xasan Sh Maxamuud Madaxweyne loo doortay isna Saacid Faarax Shirdoon Prime Minister-ka ku magacaabay wax badan lagama sheegi karo, inkastoo sida la sheegayo  awoodii xukuumadu ku uruursantahay gacanta Madaxwaynaha. Haday runtahay shaqayn mayso.  Waxay Soomaalidu tidhaahadaa far kaliyihi fool ma dhaqdo. Bal aynu sugno in Xukuumadani noqoto tii dhibaatada ka saari lahayd dalka iyo inay u fashilanto sidii kuwii ka  horeeyey.