Xaflad Loo Qabtay Xuska Maalinta Hub Ka Dhigistii SNM

0
580

 

Picture4Hargaysa( Geeska )- Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa lagu qabtay Munaasibad lagu xusay maalintii hub ka dhigista lagu sameeyay ciidamada xoreynta dalka ee SNM oo ku beegnayd 1-dii bisha February 1994-kii.

Munaasibadan oo uu soo qaban-qaabiyey xisbiga Mucaaradka ah ee UCID isla-markaana Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo ah Guddoomiye ku xigeenka saddexaad ee UCID ku soo bandhigay doorka hub ka dhigistu ku lahayd nabadgalyada Somaliland ka hano qaaday, waxa ka qayb-galay madaxweyne ku xigeenkii wakhtigii hubka dhigista Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Wasiirkii hore ee Caafimaadka Cabdi Haybe Maxamed, Eng.Maxamed Xaashi Cilmi, Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, Xildhibaano iyo masuuliyiin ka socday urur siyaasadeedka Xaqsoor.

Xuska hub ka dhigista ciidamadii SNM oo aanay ka qayb-galin xukuumadda Somaliland, waxa lagu soo bandhigay sida ay muhiimka u ahayd go’aanka ciidamadii SNM ku wareejiyeen hubka, iyadda oo halkaasi laga sheegay in Ciidankii 10-aad ee SNM ay garoonka Hargaysa Istadiyam ku wareejiyeen hubkoodii u horeeyay, Ciidamadii kalena ku daydeen, waxaana halkaasi laga sheegay in hub ka dhigista Somaliland laga sameeyay ahayd mid dunida mucjiso ku hayd.

Ugu horayntii gudoomiyaha sadexaad ee UCID Cali Maxamed Yuusuf ( Cali Guray ), oo xafladaas ka hadlay ayaa faahfaahiyay muhimada ay maalintan u leedahay umadda Somaliland, waxaanu ku taliyay in la xuso si aanay taariikhdan u duugoobin. Sida oo kale Cali Guray waxa uu ka hadlay darajada ciidamada waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “ Ciidanka darajada la siiyay mabda’iyan anagu UCID ahaan waanu taageersanahay, laakiin waxaan is yidhaahdaa hada ma Xamar ayaa laynoo wadaa, waxaanan qabaa hadii Xamar laynoo wado in Ri-yaheenana darajada la siiyo, hadii aynu Somaliland doqonaynana waxaan qabaa in darajadeenu qaali noqoto, waxaanu war war xoogan ka qabnaa in arintaas darajo qaybintu ay si cadaalad ah u dhacdo.”

Madaxweynahii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo xafladan ka hadlay ayaa ka waramay sida ay dawladoodii wakhtigaas talada haysay ay  ugu suurto gashay hub kadhigistii dalka laga sameeyay waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan   “ Dalkan SNM waxay soo gashay iyada oo ay ka go’antahay dadka ay u socoto inay nabad docdooda ka dhaliso, waayo waad ogtahiin markii la soo galay dalka xabad joojintii Berbera lagu qabtay, hadana waxa lagu noqday shirkii Burco iyo ku dhawaaqistii qarnimada Somaliland. Hub ka dhigisteenu waxay ahayd mid dadka ka timi oo ay raali ka haayeen, waxaanay dadku doonayeen inay qaranimo samaystaan, Wiilka gaadhigii hubka saarnaa hooyadii iyo aabahiiiba raali ayay ka haayeen inuu hubka dhigo walaashina waa ay u mushxaradaysay, tobnaad alle ayaa mahad leh ee iyadaa ugu horaysay cid hubka dhigta, Suldaan Maxamed waa nin taariikhda ku tirsan oo aan ku koobnayan Axmed Dhagax, Hub ka dhigista Somaliland waa hanti qarankan uu leeyahay, Cali Guray oo Soo abaabulay xafladanina aad iyo aad ayuu u mahadsan yahay, waxaana loo baahan yahay in la ururiyo oo taariikh laga dhigo laguna faano oo uu hantideena ka mid noqto.”

Ugu danbayntii wasiiradii hore ee maaliyada Maxamed Xaashi Calmi iyo War faafinta Boobe Yuusuf Ducaale ayaa xafladaas ka soo jeediyay khudbado qiimo badan oo ka hadlaaya wakhtigaas hubka dhigista. Waxaanay soo jeediyeen inay xuska maalinti ay tahay mid haboon.