Madaxweyne Siilaanyo Oo Xalay Saqdii Dhexe Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Toban Ka Mid Ah Badhasaabada Gobalada Dalka

1
485

 

adeerHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa isku bedel ku sameeyay inta badan ee badhasaabada gobalada dalka.

Warsaxafadeed xalay saqdii dhexe ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu digreeto uu soo saaray uu isku bedel mug leh ku sameeyay badhasaabadii dalka qaarkood, isagoo xilkiina ka qaaday badhasaabkii gobalka Awdal. Warsaxaafadeedkaas madaxtooyada ka soo baxay oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyada, wuxuu u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1568/022013 uu isku bedel ku sameeyey Badhasaabada Dalka qaar ka mida.

MADAXWEYNAHA:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyay: Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Garwaaqsaday: In baahi loo qabo in isku-beddel lagu sameeyo Gudoomiyeyaasha Gobollada Dalka si loo horumariyo hanaanka Dawladnimo;

Markuu La Tashaday: Madaxda ay hawshani khusayso;

Markuu Arkay: In ay hanan karaan xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1. In Mudane, Maxamed Maxamuud Cali laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee JSL. (Horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Sool)

2. In Mudane, Axmed Cumar X. Cabdilaahi (Xamarji), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee Jamhuuriyadda Somaliland. (horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee JSL)

3. In Mudane, Maxamed Faarax Aden, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland.

4. In Mudane, Cabdoo Axmed Aayer, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland. ( horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ee JSL)

5. In Mudane, Axmed Muxumed Geelle (Dacar), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

6. In Mudane, Yuusuf Ibraahim Geedi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda Somaliland.( horena u ahaa Gudoomiaha Gobolka Oodweyne).

7. In Mudane, Jamaal Xuseen Hurre, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Oodweyne ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Hawd)

8. In Mudane, Cabdilaahi Faarax Maydhane, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland.

9. In Mudane, Ibraahim Xasan Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Horena u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Saraar)

10. In Mudane, Axmed Cali Nuur laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Saraar ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Horena u ahaa Gudoomaha Gobolka Gabiley).

 

Xilka Qaadis

Madaxweynuhu waxa uu Xilkii Gudoomiye nimo ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Awdal Mudane, Axmed Xadi Sidci oo uu madaxweynuhu uga mahadnaqay mudadii uu xilkan qaranka soo waday haatana uu xilka ku wareejiyo Gudoomiyahan Cusub.”

Masuuliyiin Kale Oo Cusub

Madaxweynuhu waxa kale oo uu xalay magacaabay Wasiir ku xigeenka ganacsiga oo uu u magacaabay Aadan Diiriye Cigaal oo ahaa badhasaabka Gobalka Sanaag. Wasiir ku xigeenka cadaaladda wuxuu isna u magacaabay Nuur Cismaan Guuled. Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu maareeyaha hay’adda xidhiidhinta raashinka u magacaabay Yuusuf Cismaan Garas, waxaanay hay’adaasi hoos iman doontaa wasaaradda dib u dejinta. Sidoo kale wuxuu Prof. Xasan Cali Cismaan u magacaabay maareeyaha wakaaladda horumarinta waddooyinka.

Madaxweynuhu xilalkii kaga qaaday maareeyihii hore ee hay’adda xidhiidhinta raashinka Maxamed Daahir Axmed iyo maareeyihii wakaaladda horumarinta waddooyinka Cabdiwaaix Cabdiqaadir.

Comments are closed.