“Xukuumadda Somaliland, Waa Inay Sicir-bararka Inay Wax Ka Qabtaa..”

0
418

Hargeysa (Geeska) – Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Yuusuf, oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Waddani, ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay dadkeeda hoos u eegto oo ay ka hawl-gasho waxna ka qabato dhibaatooyinka haysta.

Siyaasi Cabdirashiid Jaamac Yuusuf, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu yidhi “Qof kasta oo masuul ah wuxuu masuul ka yahay waa la weydiinayaa, qof kastaana wuu dhimanaya ee ALLE waxaynu ka baryaynaa inuu if iyo akhiraba inoo naxariisto, ee mar kasta daacadnimada ha la ogaado, waxaana xaqiiqo ah dadkeena oo markii horeba danyar ahaa inay haddana wax kastaaba qaali noqdeen, Xukuumadduna ilaa hadda waxba kamay qaban sicir-bararka jira, markaas Xukuumaddu waa inay sicir-bararka baahsan ee dhibtu ku ah dadka waa inay wax ka qabtaa, oo waa inay wax u qabataa dadka ay xilka u hayso ee abaartu hayso..” ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office