“Somaliland Way Dhaaftay Xiligii La Isku Hanjabayey..”Siyaasi Shucayb M. Muuse

0
397

Hargeysa (Geeska) – Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warshaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse, ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka Xeerka Furista Ururrada Siyaasadda.

Siyaasi Shucayb oo u warramay Telefiishanka MM TV, ayaa sheegay inaan xilligan Somaliland looga baahnayn in Warbaahinta la isku mariyo Hadallo hanjabaad ah oo nabadgalyada waxyeeli kara, sidaasi darteed Xisbiyada Qaranka iyo Madax-dhaqameedka looga baahan yahay inay sharciga u hoggaansamaan.

Shucayb Maxamed Muuse wuxuu sheegay in Madaxweynaha iyo Xisbiyada Qarankuba xukunkooda iyo Taladoodu xilli ku kooban tahay, Mustaqbalkana noqon doonaan wax xilli talin jiray, sidaasi darteed loo baahan yahay in mar walba lagu toosnaado sharciga, waxaanu yidhi  “Xisbiyada Mucaaradka ah waxaan u sheegayaa, Waar nimanyahow Maalin Maalmaha ka mid ah, waxaad noqon doontaan Xisbiyadii hore ama Xisbigii hebel ee hore, Madaxweynuhuna wuxuu Maalin maalmaha ka mid ah noqon doonaa Madaxweyne Jamhuuriyadda Somaliland ee hore, markaa aqbala (ku dhaqanka Sharciga), oo Hanjabaadda iyo Waxbaa dhacayada iyo Nabadgalyada oo lagu ciyaaro innaga daaya.”

Siyaasi Shucayb wuxuu farriin dardaaran ah u jeediyey Shacabka “Shacabka waxaan leeyahay, Shacaboow doorasho ayuun baa xaq la idiinku leeyahay, fartaa wax ka badan xaq la idiinkuma leh, markaa idinkuna haku milmina (Siyaasadda). Madax-dhaqameedka waxaan leeyahay oo aan u soo jeedinayaa shaqadiinii Maaha ee Siyaasadda faraha ka qaada, magta ayaa la idiin doortay, idinkii nabadda loo diray ee Mushaharka ku qaadanayey ee Koofiyadaha u sitay, haddaad ku baaqdaan Nabadgalyo-darro wixii la idiin doortay maaha.” Ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office