Mujaahid Cabdisalaan-Turki Oo Ku Baaqay In Sharciga & Dawladnimada Loo Hoggaamsano

0
413

Hargeysa (Geeska) – Mujaahid Cabdisalaan Maxamuud Jaamac (Cabdisalaan Turki), ayaa sheegay in aanay cidina dalka waxyeeli karin, cid kastoo hanjabtana aanay waxba nabadgalyada yeeli karin, waxaanu ku baaqay in sharciga loo hoggaamsano, oo reernimada meel la iskaga dhigo.

Mujaahid Cabdisalaan Maxamuud Jaamac (Cabdisalaan Turki), oo dibaaqaya hadallo dhawaan ka soo yeedhay Xubno isugu jira Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqameed, ayaa isagoo arrintan Shalay ka hadlay wuxuu yidhi “Waxaan la hadlaynaa dadka Somaliland dhammaan, Xisbiyada waxaan leeyahay Mucaarad iyo Muxaafidba yooyootankan iyo hanjabaadan warbaahinta laga sii daynayo ha la joojiyo, xaqna uma lihidin inaad kiu hanjabataan in dalkan la gilgilayo, mana ogolin, haddii aad joojin weydaan oo sharci idin qaban waayo, gacmahayaga ayaa idin qabanaya”.

Mar uu farriin u diraayey Odayaal warbaahinta ka hadlay “Waxaan leeyahay Odayaasha Telefiishanka ka hadlaya dalkan qabiil iyo reer ma laha ee ummad baa leh, Axsaab baa jirta, Dastuur buu leeyahay dalku, qawaaniin buu leeyahay, haddaad Xisbi ama urur bud dhigo u tahay, maaha qabiil, nama matashaan..” ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office