Xukuumadda Somaliland Oo Yastay Wefti Ka Socday Qaramada Midoobay Oo Aanay Ciddi Ku Soo Dhawayn Madaarka

0
543

 

Picture5Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaan habayaraate wax soo dhawayn ah u samayn wefti ka socday Qaramada Midoobay oo shalay yimid magaalada Hargeysa.

Weftigan  oo ka socda Qaramada Midoobay oo uu hogaaminayo madaxa Hay’adda UNDP iyo Haweenay ka socota xafiiska Siyaasadda UNPOS ayaa, shalay soo gaadhay Hargeysa. Laakiin ma jirin cid ka tirsan xukuumadda Somaliland oo madaarka kaga hortagtaay, waxaanay weftigu warbaahinta u sheegeen inaanay doonayn inay hadlaan ka hor inta ay la kulmayaan xukuumadda Somaliland oo u muuqata inay yastay. Kulamada ayaa la filayaa inay maanta u bilaabmaan xukuumadda iyo weftigan, laakiin lama garanayo cidda ay weftigu la kulmi doonaan, mar haddii marka horeba soo dhawayntoodu ahayd mid heerkoodu aad u hooseeyo.

Lama garanayo sababta ay xukuumadda Somaliland weftigan u soo dhawayn weyday, waxase lala xidhiidhinayaan ajandayaasha ay wateen oo laga yaabo inay dawladu ka sii warqabtay.