Dawladda Maraykanka Oo Ka Hadashay Sida Ay Isugu Wadi Karto Xidhiidhka Ay La Leedahay Somaliland Iyo Aqoonsiga Ay U Fidisay Dawladda Somaliya

0
559

 

Picture6Hargeysa(Geeska)-Dawladda Maraykanka, ayaa ka hadashay sida ay isugu wadi karto xidhiidhka ay la leedahay dawladda Somaliland iyo aqoonsiga ay dhawaan u fidisay dawladda Somaliya.

Ergayga Maraykanka u qaabilsan Somalida Danjire James Swan, ayaa waraysi uu dhawaan siiyay koox lagu magacaabo 'USDOTSomali'', oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka, wuxuu ku sheegay inay dawladiisu sii wadayso la shaqaynta shacabka Somaliland iyo dawladooda. Danjiraha oo ay dadku su’aalo u soo dirayeen, ayaa waxa la weydiiyay sida ay dawladda Maraykan isugu wadi karto la shaqaynta Somaliland iyo dawladda Maraykanka oo ay dhawaan aqoonsatay, “Dawlada Maraykanka iyo saaxiibadeeda caalamkuba waxay qadarin iyo ixtiraam weyn u hayaan dedaalka ay sameeyeen dadka reer Somaliland sanadihii la soo dhafay iyaga oo si heersare ah u  ilaaliyay nabadgalyada iyo xasiloonida dhulka Somaliland, iyo dhinaca dawlada oo qabatay dhawr doorashooyin oo aad u heer sareeyay, waxa kale oo bogaadin iska leh shacabka dedaalkooda ay ku doonayaan inay ku hagaajiyaan dhaqaalaha iyo arimaha nolasha.” Sidaas ayuu yidhi ergaygu, waxaanu intaas raaciyay “ Sidaas daraadeed dawlada Maraykanku waxay rabtaa inay sii wado inay kala shaqayso dadka Somaliland iyo maamulka dhinacyada gargaarka bini’aadanimo, dib u dhiska iyo horumarinta iyo dhinacyada xidhiidhka dawladnimo ee aanu wadaagno,  isla markaasna mawqifka dawlada Maraykanku waa mid barbar socda la’na mawqif ah qaramada midoobay, midawga Afrika iyo dawladaha la jaarka ah Somaliya.”

Isagoo ergaygu ka hadlaya aqoonsiga Somaliya ee Maraykanka, wuxuu ydihi  “dhinaca Ictiraafka dawlada Somaliya ee Muqdisho, bishii Janawari waxa booqasho ku tagay Washington Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, halkaas oo ay fikrado isku waydaarsadeen xoghayihii arrimaha dibada ee hore Hillary Cliton, kaas oo dib u soo celiyay xidhiidhkii labada dawladood, waana markii ugu horaysay ee uu maraykanku ictiraafo Somaliya ilaa 1991.Sidaas daraadeed mawqifkayagu waxa uu la mid yahay Midawga Afrika iyo Qaramda midoobay dhinaca aqoonsiga xukuumada Somaliya isla markaasna aanu rabno inaan sii wadno xidhiidhka iyo cilaaqaadka aanu la leenahay Somaliland oo ah mid ay ku jirto danta dadkaasi.”