Madaxweynaha Oo Maanta U Socdaalaya Imaaraadka Carabta Iyo Su’aalaha La Isweydiinayo

0
3739

 

Picture4Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu maanta safar ku tago dalka Imaaraadka Carabta, waxaanu hoggaaminayaa wefti ka tirsan golihiisa xukuumadda.

Ma jiro wax war ah oo ay madaxtooyada Somaliland ka soo saartay socdaalka Madaxweynaha, waxase wararka uu Geeska Afrika helay sheegayaan inay dawladda Imaaraadka Carabtu u soo dirtay martiqaad rasmi ah, waxaana madaarka ka qaadi doonta diyaarad gaar ah oo loo soo diray. Inkastoo uu wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar, beeniyay in Madaxweyne Siilaanyo la kulmi doono Madaxweynaha Somaliya, haddana wararka qaar ayaa sheegay in Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud,  isna tagi doono dalka Imaaraadka Carabta. Wararka waxay sheegayaan in dawladda Imaaraadku qorshaysay inay labada Madaxweyne ku kulmi doonaan magaalada Abu Dhabi. Laakiin madaxweynaha Somaliya waxa la sheegay inuu ku hormari doono dalka Qatar.

Laakiin mar haddii uu wasiirka arrimaha dibadda Somaliland beeniyay in Madaxweyne Siilaanyo la kulmi doono Madaxweynaha Somaliya, warka waxa loo qaadanayaa sidaas oo ma jiri doono wax kulan ah oo dhex mari doona labada Madaxweyne. Has yeeshe haddiiba uu dhaco wuxuu Madaxweyne Siilaanyo u muuqanayaa inuu ka baydhay go’aankii ay Somaliland gaadhay ee ahaa in wada hadalka Somaliya lala galayaa uu noqdo mid leh weji qaran, mar haddii ay meesha ka maqanyihiin Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin oo goob-joog ahaa kulankii hore iyo Faysal Cali Waraabe, oo inkastoo uu ku suganyahay Imaaraadka Carabta haddana aan waxba kala socon qorshaha weftiga Madaxweyne Siilaanyo.