Xukuumadda Somaliland Oo Xidhay Sheekh Almis Yaxye Xaaji Ibrahim Iyo Laba Nin Oo Kale Oo Hargeysa Ku Dhex Samaynayay Basaborka Sheekh Shariif

1
1085

 

almis

Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa Sheekh Almis Yaxye Xaaji Ibrahim oo ka mid ah culimada ugu caansan Somaliland iyo laba nin oo kale u qabatay samaynta Basaborka dawladda Sheekh Shariif oo sida la sheegay ay Hargeysa gudaheeda ka wadeen.

 

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Somaliland Md. Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle), oo xalay cawayskii shirjaraa’id ku qabtay xarunta CID-da Hargeysa, ayaa sheegay inay ciidamada Boolisku hawlgal ay shalay gelinkii dambe sameeyeen qabteen saddex nin oo Hargeysa gudaheeda ku samaynayay Basaborka dawladda Sheekh Shariif iyo saddex nin oo aanu magacaabin, waxaanu intaas raaciyay inay sidoo kale qabteen Basaboro la samaynayay iyo Dhukumentiyo kale oo ay ku jireen qalabkii lagu samaynayay Basaborka dawladda Sheekh Shariif kuwaas oo uu saxaafadda u soo bandhigay “Waxaanu halkan idiinku yeedhnay in aanu idinla socod siino hawl gal aanu ku soo qab qabanay qalabkii hortiina yaala. Muddooyinkaba waxaa jiray ama ay saxaafadu faafinaysay in baasaaboorada dawlada Xamar halkan lagu sameeyo. Haddaba anaga oo ka duulayna fikirkii taliyaha ciidanka bilayska waxay ciidanka bilaysku sameeyeen hawl gal ay kaga daba tagayaan ama ay ku baadhayaan hawshaas la leeyahay baasaaboorba lagu sameeyaa wadanka gudihiisa, al xamadulilaah hawl gal qaatay dhawr saacadood oo ay ciidanku fuliyeen waxaanu ku soo qabanay baasaabooradii TFG-ga iyo qalabkii lagu samaynaayey iyo baasaabooro nool oo ay leeyihiin. Qalabka aanu qabanay waxay kala yihiin hal computer, hal kamara iyo lugaheedii, hal finger printer, hal fayl oo ay ku jiraan codsiyada lixdan iyo afar qof oo codsanaayey baasaabooradan, afar baasaaboorada Soomaaliya ah, afar kaadh oo nooca aqoonsiga ah iyo hal diiwaan oo dadka lagu diwaan geliyo.” Ayuu yidhi taliye xigeenka ciidanka Boolisku, waxaanu intaas raaciyay, “Haddaba sida aad la socotaan mudadan qoladan jaraa’idadu waxay sheegayaan warar aan sal iyo raadtoona lahayn, waxaanu halkan uga cadaynaynaa oo aanu uga sheegaynaa shacabka Somaliland iyo madaxda qaranka in aanay jirin wax cid ah oo u ogolaatay nimankaas tuugta ah ee qalabka baasaaboorada koonfur;  Hargeysa ku samaynaayey in aanay dawladani u ogolaan madixina u ogolaan. Waxaan idin leenahay wax kasta waa inay ogaadaan. Guryaha lagu samaynaayey baasaabooradan lagu qarinaayey waxaa lahaa dad reer Somaliland ah, dhibaatooyinka dalka la gaadhsiinaayo meelaha loogu soo duulo waxaa ka mida ruyaheena, sidaas daraaded shacabku waa inay la shaqeeyaan ciidanka bilayska. Waxaan mar labaad ugu bushaaraynaa shacabka Somaliland in aanu qalabkii gacanta ku hayno oo faah faahsan. Dal waliba baasaaboor ayuu leeyahay, inaga baasaaboorkeena Hargeysa ayaa lagu bixiyaa oo uu qaranku gacanta ku hayaa, baasaaboorka Xamar waa ka xaaraan iyo mid kaleba in halkan lagu farsameeyo.”

Taliye xigeenku, wuxuu sheegay inay hawlgalkaas ku qabteen saddex nin oo aanu magacaabin, “Hawshan waxa lagu soo qabtay oo falka ku jiray saddex nin oo ay ciidanku ku qabteen, saddexdina way noo xidhan yihiin, baadhitaankina wuu noo socdaa.” Ayuu yidhi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska oo ka gaabsaday in magacyadooda la faafiyo ayaa isla goobtii qaar ka mid ah saxaafadda ugu sheegay in saddexda qof ee arrintan loo soo xidhay ay kala yihiin: Sheekh Almis Yaxye Xaaji Ibrahim iyo Khadar iyo Cabdifataax oo aan magacyadooda oo saddex la helin balse ka mid ah sida la sheegay dhallinyarta magaalada Hargeysa.

Comments are closed.