Xasuusta Murugada Leh Ee Xasuuqii Jasiira Iyo Xogta Ninkii Ka Badbaaday !!

0
974

 

jasiira

Markii ay ogaadeen in dadkii xaafadaha laga raafay la laayey ayey xaafadihii baroor iskuwada dareen. Anigoo markii horeba didsanaa waan xamili kari waayey qaylada iyo baroorta tiiraanyada iyo quustu ku ladhan yihiin.

 

Si aan la iigusoo raacin qaylada oon mar kale la ii qaban ayaan dhar gashaday oon iska bedelay macawistii aan guntanaa, kadibna aan uga baxay xaafadii. Waxan raacay bas waxaanan tagay makhaayad la odhan jiray Cagaaran oon wax ka cuni jiray asxaabtaydana kula sheekaysan jiray. Waxan la kulmay nin aanu qaraabo ahayn oo la odhan jiray Cabdixaliil. Kadib markii aan uga waramay wixii dhacay ayuu i kexeeyey iguna qariyey meel uu ku jiray. Dhawr saacadood kadib, saddex nin ayaa ii yimid oo igu soo siyaartay gurigii aan isku qarinayey. Mid ka mida saddexda nin ayaan aqaanay. Way iga tageen markii aan uga waramay wixii dhacay. Wakhti aan ku qiyaasayo ilaa Saddexdii galabniumo, ayaa haddana waxa isoo booqday 7 nin oo ay ku jiraan mid ka mida saddexdii hore iyo nin janan ah oo dirays militeri iyo darajo ku lebisan. Waxay wateen gaadhi Landcruiser ah. Mardambe ayaa la ii sheegay in jananku ahaa Jeneraal Xuseen Xasan "Karaj". Dadka kale ee la socday qaar ka midi waxay ahaayeen Cabdirisaaq Caydiid qaraabadiisii."

Way i qaadeen waxayna i geeyeen bartii xasuuqu ka dhacay si aan u tuso maydkii dadka lagu laayey Jaziira. Waxay arkeen maydkii oo sidoodii u yaala, dabayshuna ciidii lagu rogay ka qaaday oo hilbahoodii rasaasi googoysey. Markay ku arkeen indhahooda wixii dhacay ayaanu dib u soo noqonay.

Markii aanu ku soo noqonay Muqdisho Jeneraal "Karaj" wuxu soo jeediyey in aanu u tagno Siyaad Barre oon uga soo warano wixi dhacay. Nin ka mida nimankii kale ayaa figradan diiday isagoo oo u muuqday inuu baqanayo, wuxuuna soo jeediyey in aanu u tagno Janaraal Axmed Saleebaan Dafle oo isagu markaa ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Waxa naloo sheegay in Janaraal Axmed Dafle uu joogo Xarrunta Ciidamada Booliiska. Janaraal Karaj ayaa xarruntii galay, intayadii kalena waxanu ku sugaynay dibeda. Waan baqanayey, markaasaan isku dayey in aan baxsado. Haseyeeshee waxa isoo qabtay laba askari oo Janaraal Karaj ilaaladiisa ahaa. Wax yar kadib ayaa la gudaha la i geeyey. Waxa la ii geeyey Axmed Saleebaan iyo shan nin oo kale oo la fadhiyey. Waxay igu yidhaahdeen waran oo bal sheeg siday wax u dhaceen. Markii aan u waramay ayuu Axmed Saleebaan Jeneraal Booliska haystay ku yidhi kaxee ninkan oo gurigaaga ha joogo. Haseyeeshee Janankii wuu diiday wuxuna yidhi: 'gurigayga iyo gurigii lagala baxay waxba kuma kala duwana ee adigu gurigaaga gee'. Axmed Saleebaan ayaa amar laba askari ku siiyey in ay i kexeeyaan oo ay i geeyaan gurigiisa halkaana la igu ilaaliyo. Laba bilood ayaan guriga Ina Saleebaan Dafle ku jiray. Mar mar ayey ii ogolaan jireen in la isoo booqdo.

Mudo markaan ku jiray guriga Axmed Saleebaan Dafle waxa la ii qaaday guriga madaxtooyada halkaasi oo aah kula kulmay shan nin oo iskugu kay sheegay in ay yihiin Guddida Baadhista Jaziira oo uu Siyaad Barre aasaasay. Waxay ii sheegeen magacdoodii iyo qabiilada ay ka dhasheen. Waxan imika sii xasuustaa keliya Jeneraal Abuukar "Suley" oo ahaa Janan ciidamada ka tirsan…La Soco