Madaxweyne-xigeenka Oo Ka Qayb Galay Xaflad Loo Qabtay Isku Xidhka Shan Shirkadood

0
724

 

Hargeysa(Geeska)-Madaxweyne-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa shalay ka qayb galay munaasibad lagaga dhawaaqay isku xidhka shan Shirkadood oo ka mid ah Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland oo kala ah Somtel, Nation Link, Telcom, Soltelco, iyo African Online.

Xaflada loo sameeyay isku xidhka shirkadahaas waxa kale oo ka qayb galay, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Axmed Xaashi Oday, Wasiirka Diinta iyo awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi, iyo masuuliyiin ka kala socotay shantaas shirkadood.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland C/raxmaan C/lahi Ismaaciil oo Munaasibadaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay isku xidhka shirkadahan isgaadhsiinta oo wax badan ka tari doona dhibaatooyinkii Bulshada ka haysatay dhinaca  Isgaadhsiinta, gaar ahaan wada hadal la’aanta dadka isticmaalada adeegyada kala duwan ee Shirkadaha Isgaadhsiinta Waxaanu yidhi “Runtii waxa maanta Farxad ii ah inaan ka soo qayb galo, isku xidhkii shirkadaha Isgaadhsiinta oo runtii baahi weyn loo qabay inaynu ku wada xidhiidhno, iyadoo laga maarmayo sadexdii Telefoon iyo afartii Telefoion ee markii hore la sitay, arintan oo runtii ka mid ahayd balanqaadyadii Xisbiga Kulmiye ee in adeegyada Bulshada la mideeyo”.

Mr. Saylici isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay “Maanta waxaan ku faraxsanahay in talaabada koowaad ee la qaaday inteedii badnaydna Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiintu halkan ka sheegay , shirkadaha laftoodiina ay ka marag kaceen, muhiimada aynu u soconaana waxay tahay inaynu shacbigeena u wada adeegno oo aynu ka saarno qoqobkii ku kala jiray ama kala xidhnaantii ku kala jirtay ,maadaama oo suuqeenu yahay suuq mid  xor ah, waxaan qabaa inaanu dawladu mar walba ka madhnayn shirkadaha isgaadhsiinta oo waxa loo sameeyaa Cashuur dhaaf”.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Axmed Xaashi Oday oo Munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay sheegay in Wasaarada Boosaha iyo isgaadhsiintu si isku mid ah u maamuli doonto iska Xidhka Shirdahan adeegyadooda Xidhiidhka laysku furay, isagoo hoosta ka xariiqay inay si caadalad iyo sinaan ah ay u ilaalin doonaan dhamaan shirkadahan xuquuqdooda Ganacsi iyo sirta Adeegyadooda.

Guddoomiyaha Guddidii ka soo shaqaysay isku xidhka shirkadahan Isgaadhsiinta ee mideeyay Adeegyadooda Isgaadhsiinta  Mr: Jaamac  X. Maxamed Cigaal ayaa isna munaasibadaasi ka sheegay qaabka ay dadku ugu wada Xidhiidhayaan shanta shirkadood ee laysku xidhay, waxaanu halkaasi ku soo bandhigay Heshiis buuxa oo ay shirkadahani wada galeen, kaasoo ay qayb ka tahay Wasaaradaha Boosaha oo dhex u ah Shantaasi shirkadood.

Jaamac Waxa uu sheegay in Furayaasha shanta Shirkadood kala yihiin sidan:

1 Somtel 07 iyo Lambarka aad doonayso inaad la hadasho

2. Telcom 07 iyo lambarka kale

3. Nation-link 02 iyo lambarka kale

4. Soltelco 0222 iyo lambarka kale

5. Africa Online 022 iyo lambarka kale aad la hadlayso