Xukuumadda Somaliland Oo Xayiraadii Ka Qaaday Duulimaadyadii Qaramada Midoobay Ee Ay Mamnuucday

0
524

Picture4Hargeysa(Geeska)-Wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Somaliland ay xayiraadii ay saartay ka qaaday diyaaradaha qaramada midoobay.isaga oo wasiirku arintan ku sifeeyay inay ka danbaysay heshiiskii ay Somaliland iyo Somaliya ka gaadheen dhanka hawada.

Waxaanu sheegay wasiir Maxamuud Xaashi in gudidii Somaliland iyo Somaliya ee hawada maamuli lahayd samayntiisii ay xidhiidh Somaliya  kala samayn doonaan marka bisha ramadaan ay dhamaato. Waxa uu wasiirku sidan ku sheegay shir jaraa’id oo uu warbaahinta kula hadlay waxaanu hadaladiisa ka mid ahaa “15-kii Bishii 5-aad ayaanu xidhnay Duulimaad-yadii Qaramada Midoobay, laba bilood ayay hadda taagnaayeen.Sababta keentayna waxay ahayd in iyaga oo aan nagala tashan ay Hawada Somaliland ku wareejiyeen Walaalahayaga Somaliya.markaa Maanta laga bilaabo waxaanu cadaynaynaa inaanu Duulimaad-yaddii sidoodii u furnay oo ay iskaga gooshi doonaan Gudaha Somaliland.” Wasiir Maxamuud Xaashi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Heshiiska ka soo baxay wada hadaladii Turkiga waa mid abuuri karta jawi lagu maamuli karo hawada Somaliland iyo Soomaaliya.”

Ugu danbayntii wasiirka duulistu waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanday sidan“Arimaha Maamulka hawada waa kuwa aanu doonayno inaanu Ramadaan ka dib xidhiidho ka samayno, Qorshuhu sida uu noqonayo Somaliland iyo Somaliya iyo Qaramada Midoobay oo iyagu wixii hayaba inaanu isu nimaadno oo si saddex Geesood ah oo sidii hawsha loo dhaqaajin lahaa Farsamo ahaan halkaasi ayay ka bilaamaysaa, sida uu qorshuhu yahayna 2014-ka bisha koowaad maalinta ugu horaysa ayay waxaasi gacan Soomaaliyeed ku soo wareegayaan.”

Somaliland ayaa Xayirtay Duulmaadyada Qaramada Midoobay laba bilood ka hor ka dib markii Qaramda midoobay oo hawada Somaliland iyo Somaliya maamuli jirtay si rasmiya ugu wareejisay Somaliya iyadoo oo aan wax xidhiidh ah Somaliland kala soo samayn arintaas.