Suldaanka Guud Oo Ka Digay In La Isku Dayo In La Xidho Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka

0
598

Picture3Hargeysa(Geeska)–Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa shaaca ka qaaday inay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo qorsheynayso qaabkii ay u soo xidhxidhi lahayd  Siyaasiyiinta ku dhawaaqday Golaha wada-tashiga iyo toosinta qaranka todobaadkii hore, waxaana uu ku taliyey inaan  la shareysanin Golahaasi.

 

Sidaa waxa uu Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ku sheegay Wareysi uu siiyey Weriye Ibraahim Cismaan Axmed (Qaraash) oo ka tirsan Shabakada wararka ee Hadhwanaagnews. Waxa kale, oo uu Suldaanku ku tilmaamay xubnaha ku dhawaaqay Golaha wada-tashiga iyo toosinta qaranka inay yihiin raggii naftooda u hurey gobonimada iyo neecawda lagu naaloonayo.

    Mar la weydiiyey Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir shir lagu qabtey Madaxtooyada Somaliland oo uu madaxweynuhu kula shirayey beeshiisa waxa uu ka og yahay, ayaa waxa uu ku jawaabay “Anigu shirkaasi wax alliyo wax aan ka ogahay ma jiro,shirkaasina waxa uu ahaa shir tabaaleysan, shir tabaalo la’aaneed ayey beeshu (Ciidagale) diyaar u ahayd, oo ay ku aragtey madaxweynaha, laakiin xubno hoosta iska qan-jiidhsaday ayuunbaa madaxweynaha la kulmay, taasina waxa weeyaan macnaheedu beesha degta Koonfurta Hargeysa (Ciidagale) way kala fogaatey arrinkoodu wax allaaliyo wixii halkaasi (Madaxtooyada) go’aan lagu gaadho waa waxba kama jiraan,waxaan leeyahay madaxweyne beeshu (Ciidagale) may tabaalo la’ayn, xubno gaar ah ayuunbaad is aragteen, xubnahaasina haday guddida beesha yihiin, xitaa guddida beeshu umay wada dhameyn. Waxaan leeyahay saacadaa laga bilaabo maadaama ay shirarka caynkaas ahi qarsoodi geli kareyn, guddidii beeshana sidaas ayaan ku kala diray.”

Sidoo kale, mar la weydiiyey Suldaanka guud ee beelaha Somaliland waxa Shirkaasi xalay ka dhacay Madaxtooyada uu nuxurkiisu ahaa waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi “WALAAHI, kolayba anigu waxaan soo kor-xaadsaday xubno ka mid ah Gollaha wada-tashiga iyo toosinta qaranka oo  la yidhi ha la xidho, aniguse waxaan leeyahay madaxweynow ka daa xadhiga waa wax ay ummadu isku khilaafto. Cawaaqib xumada halkaasi ka dhalatana waxa ka masuul ah xukuumadda. Haddii ragga odayaasha ah ee Golaha Wada-tashiga iyo toosinta qaranka la xidho waxa dalka ka dhici doona miidaamu taxriirkii Masar oo kale ee yaan lagu degdegin.”

Suldaan Maxamed waxa uu ka codsaday xukuumada madaxweyne Siilaanyo inay faro-gelinta ka deyso shirarka ay beelaha Sacad Muuse Iyo Ciidagale qabsanayaan, isaga oo arrinta ka hadlayana waxa uu yidhi “Sidoo kale waxaan leeyahay Shirka beesha Sacad Muuse iyo Shirka Beesha Ciidagale-ba ee ay doonayaan inay imika qabsadaan xukuumadu farogelinta ha ka deyso, labadaasina waa inay si xor ah go’aamadooda u soo saaraan, beel ahaan waxay ku tashanayaana iyaga ayey u taala, mid xukuumada u taala maaha. Madaxweynaha waxaan leeyahay arrintaasi yaanay keenin iska hor-imaad khilaaf iyo dhibaato inay ka soo baxdo oo waa in faraha looga qaada waxay beel waliba ku tashanayso,waayo xukuumadii hore may faro-gelin shirkii Gar-adag ee aad beel ahaan u qabsateen.”

Mar la weydiiyey Suldaan Maxamed Sida uu u arko Gollaha wada-tashiga iyo toosinta qaranka,waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi“Gollaha wada-tashiga iyo toosinta qaranka waxaan u arkaa golaha kaliya ee samata-bixin kara xaalada Somaliland ee sii fool-xumaaneysa, golahaasi anigu waan taageersanahay oo waan ku kal-soonahay inay hawsha ka soo bixi doonto sida ugu nabadgelyada baddan waxaanan leeyahay yaan la shareysanin. Dadkanina waa dadkii u soo halgamay gobonimada Somaliland iyo xornimada maanta lagu naaloonayo, xorriyatul-qawlkana waa wixii lagu caano maalay, ee yaan dadka la cabudhinin”.

 

Si kastaba ha ahaatee, Shirkan qarsoodiga ah ee la wariyay inuu ka dhacay madaxtooyada Somaliland ayaa wararka lagaga hadlay ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen inay xukuumada Somaliland si qarsoodi ah ugu raaligeliso sidii loo soo xidhi lahaa guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe, isaga oo ka mid ah golaha wada-tashiga iyo toosinta qaranka,Sababta keentey shirkaasi qarsoodiga ahna uu yahay, ka dib markii ay xukuumadu weyday meel ay u marto awooda guddoomiyanimo ee Faysal Cali Waraabe.

Wararka aanu ka helayno shirkii madaxtooyada ee qarsoodiga ahaana waxa weeyaan ayaa sheegaya inay xukuumaddu xadhig la maagan tahay Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, Mujaahid Ibraahim Dhagaweyne, Mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi iyo xubno kale oo ka mid ahaa Golaha wada-tashiga iyo toosinta qaranka ee todobaadkii hore Hargeysa ay siyaasiyiinta miisaanka culusi kaga dhawaaqeen.