Warbixin La Filayo Inay Gilgisho Madaxweynaha Somaliya Iyo Wasiiradiisa Oo Caawa Loo Gudbinayo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay

0
602

Picture5Hargeysa(Geeska) Warbixin ay diyaariyeen guddiga kormeerka cunaqabataynta hubka ee Somaliya iyo Ereteriya, ayaa la filayaa in caawa loo gudbiyo golaha ammaanka Qaramada Midoobay.

Warbixintaas oo aan weli si rasmi ah loo faafin, ayaa xogaha masuuliyiinta diyaarisay ka soo baxayaa waxay tilmaamayaan inay xambaarsantahay macluumaad miisaan leh oo la xidhiidha guud ahaan siyaasadda iyo dhaqaalaha Somaliya, iyadoo warbixinta lagu soo hadal qaaday qaar ka mid ah madaxda Somaliya. Masuuliyiinta la sheegay inay warbixintu qusayso waxa ka mid ah Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo lagu dhaliilay hanaanka dhaqaale ee dalka iyadoo lagu eedaynayo lacag malaayiin dollar ah oo uu dibadaha ka soo qaaday oo aan ku dhicin Bankiga dhexe, lacago kale oo si khaldan loo maamulay iyo arrimo kale. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliya Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa isna ka mid ah shakhsiyaadka ay warbixintu falanqaynayso, waxaana la filayaa in lagu xidhiidhinayo arrimo amniga la xidhiidha sida dad ay dawlada u xidhnaa oo si ula kac ah loo laayay goor habeenimo ah.

Wasiirul dawlaha madaxtooyada Somaliya Faarax Sheekh Cabdiqaadir,  ayaa isna ka mid ah masuuliyiinta dawladda Somaliya ka tirsan ee ay warbixintu soo bandhigtay fadeexado uu dhex dabaashay. Wasiirul dawlahan ayaa ah gacanta midig ee Madaxweynaha Somaliya.

Qaybo warbixinta ka mid ah oo ay wakaaladda wararka ee Reuters hore u heshay ayaa soo bandhigay fadeexado musuq oo uu dhex dabaashay guddoomiyha Baanka Somaliya, sidoo kalena qaybo warbixinta ka mid ah waxa lagu cadeeyay inay ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugani ay si tuugonimo ah u dhoofiyaan dhuxusha, iyagoo marin ka dhigtay dekedda Kismaayo. Labaduba way beeniyeen eedaymahan.

Warbixin ay sannadkii hore guddigani ka gudbiyeen Madaxweynihii hore ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed iyo xukuumadiisii ayaa lagu tiriyaa inay qayb ka ahayd waxyaabaha guuldarada u horseeday Sheekh Shariif.

Geesta kale, inkastoo aanay weli cadayn, haddana waxa la filayaa in warbixinta ay si uun ugu jiraan masuuliyiinta dawladda Somaliland.