Xukuumadda Somaliland Oo Weli Aan Cadayn Mawqifkeeda Ku Waajahan Shirka Ingiriisku Qabanayo Oo Ka Qayb Galkiisu Halis Yahay

1
715

 

ukHargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaan weli cadayn mawqifkeeda ku waajahan shirka uu Ingiriisku qabanayo bisha May ee sannadkan, kaas oo uu Ingiriisku cadeeyay inay wada guddoomin doonaan Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysalwasaaraha Ingiriiska David Cameron.

Shirkan oo qabsoomi doona  bisha May ee sannadkan, waxa uu Ingiriisku ugu tallo galay in lagaga hadlo horumarka uu dalka Somaliya ka gaadhay arrimaha ammaanka sannadkii u dambeeyay. Inkasto aanu Ingiriisku weli cadayn inuu shirkaas ku martiqaadi doono dawladda Somaliland, haddana waxa ay dad badani filayaan in marka uu shirku soo dhawaado uu Ingiriisku Somaliland u soo diri doono martiqaad rasmi ah sida uu yeelay shirkii Bishii Febarwari ee sannadkii hore oo uu Somaliland casuumad u soo diray wakhtiyadii u dambeeyay.

Masuuliyiinta ka tirsan safaaradaha uu Ingiriisku ku leeyahay Kenya iyo Addis Ababa oo inta badan qaabilsan arrimaha Somalida, oo uu Geeska Afrika isku dayay inuu wax ka weydiiyo in Somaliland shirkaas lagu martiqaadi doono, ayaanay u suurtogelin.

Haddiise ay Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyaa shirkaas ka qayb gasho waxa ay dad badani aaminsanyihiin inuu dhaawacii ugu weynaa soo gaadhi doono qaddiyadda Somaliland, maadaama oo ay weftiga Somaliland hoos fadhiisan doonaan shirka uu guddoominayo Madaxweynaha Somaliya.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa wakhtigii uu Ingiriisku qaban qaabinayay shirkii kal hore, waxay markii hore sheegtay inaanay ka qayb geli doonin, laakiin toddobaadyadii u dambeeyay ayuu Madaxweyne Siilaanyo si rasmi ah u cadeeyay inuu aqbalay ka qayb galkiisa.

Dawladda Somaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u muuqata inay dedaal ugu jirto sidii ay u hantiyi lahayd quluubta dawladaha waaweyn ee saamaynta ku leh jaan-goynta siyaasadaha dunida, waxaanay dhawaan ku guulaysatay aqoonsi ay markii u horaysay dawladda Maraykanku siisay Somaliya muddo 21 sannadood ah.

Comments are closed.