Suldaan Saleban Boqor Cismaan Oo Ka Hadlay Xaaladaha Kala Duwan Ee Dalka

0
843

Picture2Hargaysa( Geeska )-Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Xasan, ayaa amniga dalka ku tilmaamay mid uu ku kalsoon yahay oo meel wanaasan taagan, waxaanu dawlada Ingiriiska u soo jeediyay inay xaal ka bixiyaan  dhawaaqooda oo uu sheegay inuu yahay waxyeelo siyaasiya.

Suldaanku waxa uu sida oo kale ka hadlay arimaha lagu muran san yahay ee Saylac iyo aqoonsigii uu Somaliya siiyay Maraykanku oo uu  ku tilmaamay mid aan saamayn ku lahayn Somaliland.

Waxa uu sidan Suldan Saleebaan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargayska Geeska Afrika,waxaanu waraysigu u dhacay sidan.

Suldaan ugu horayntii sidaad u aragtaa xaalada guud ee dalka?

Waxaan xaalka dalka maanta u arkaa inuu wanaagsan yahay oo aad u dagan yahay, wax badan oo la taabto oo dhibaato ahina aanu jirin, waanay iska jiraan kolayba mar haddii shaqo dalka ka socoto hawlo iska taagan, laakiin xaalada dalka waxaan ku tilmaami lahaa inay dagan tahay.

Waxa jiray is mari waa dhanka wada hadalada ah oo xukuumadi ay xal ugu doonaysay deegaanda Saylac, oo cabasho ka muujiyay doorashadii deegaanka, arimaasi siday kuula muuqdan?

Marka shaqo la qabto hawlo ayaa ka imanaaya dad baa ku qanci waayaaya, wakhtigii aynu doorashada galnayna waxa jiray cabashooyin badan oo deegaano badan ka yimi oo aan ku qanacsanayan sida doorashadu u dhacday, laakiin waa sunaha doorashada oo hadii ay dhacdo  doorasho cabashooyina waa ay yimaadaan.

Doorashada waxaynu u qabsnay inay cidna hadho cidina soo baxdo, waxaan ku talo galayaa markaan ahay musharax  hadii aan tartan galo oo ay doorasho timaado sidii aan doonayay ayay u dhacaysaa ama si aanan doonay, cabshooyinka  ka soo baxaaya Saylac oo kale dad deegaan wada dagan ayaa tartamay  qaarna waa ay hadhayeen qaarna waa ay soo baxayeen, hadii laba musharax oo tartamay uu kii soo baxay mid aan soo baxin uu ku yidhaahdo ma aqbalaayo waa nooc fowdada ka mid ah waana in laysku ogalaadaa nin waliba waxii uu ku guulastay.

Inaga oo qaadanay nidaamka dimuqraadiga ah inta aynu ka tagno yaynaan beeloobin, hadaynu marna nidhaahno tartan xalaal ah ayaynu golnahay hadana nidhaahno beel heblaayo iyo beel hebaalyo ayaa wax kala boobay  ama aynu nidaamkii beelaha wax ku qaybsano oo aynu iska dayno waxan aynu dooranayno  ama aynu ku qanacno nin  walba codkiisa waxa uu siiyo.

Maraas labadan arimood waa kuwo aan laysku wadi karayn waan khatar oo furdaaminteedu waa mid ay adagtahay hadhaw, oo ninkii doorasho ayuu ku soo baxay oo waxa uu leeyahay maayar iyo ku xegeen iyo waxaasba waan noqonayaa, laakiin ninkii kale hadii uu yidhaahdo reernimo yaanan u ogalayn taasi waa madax isla galis, waana arimaha is fahmi waaga keenaya.

Dadka Soamliland qaar ka mid ahi,  Suldaan waxay walaac ka muujiyeen aqoonsiga uu Maraykanku siiyay Somaliya, Adiga siduu kula yahay aqoonsigaasu?

Aniga iigulama muuqdo wax dhib iyo mushkilad ku ah dalkeena  Somaliland, wax maanta dadkeena baqdin siyaasadeed lagu galiyana maaha, waayo dawladaas koonfurta Somaliya aqoonsigeedu maanta muu bilaabmine horeba waa loo aqoonsanaa, dawladahaas waawayna horeba aqoonsi waa ay uga haysteen oo wax ay inaga badalayeen may jirin,  in badana waa aynu is barbar naalay inaga laba dawladood ah oo iyaga la aqoon san yahay, markaas maaha wax dadka lagu baqdin  galiyo.

Waxaad ka mid tahay madax dhaqameedka Somaliland, waxaana amniga dalka qayb muhiim ah ka qaata madax dhaqameedka, dawlada Ingiriisku waxa ay soo saartay digniin ay kaga dayrinayso amaanka dalka sidaad u aragtaa amniga dalka wakhtigan?

Waxaan filayaa ninkii Ingiriiska ahaa wax baa ka yara si noqday, qoraalkan waxa ay ula jeedeen inay shacbigooda ku wargaliyaan in dalka Maali khatar amni ay ka jirto, dabdeedna labadii magac ayaa iskaga khaldamay, waxaanan filayaa in aanay Somalilandtan nabada ah aanay u jeedin.

Hadiise ay ku talo gal tahay waxaan leeyahay dawlada Ingiriisku waa dawlad aanu xidhiidh soo jireen ah oo wanaagsan lahayn, arintanina waa waxyeelo xoogan oo uu Somaliland dhabarka kaga dhuftay, waana waxyeelo siyaasiya, waxaanu ka codsanaynaa hadaanu madaxda dhaqanka ee Somaliland nahay inuu arintaas xaal gole joog ah ka baxiyo  oo loo markhaati yahay. Hadii aanu ka baxina waxaanu samayn doona mudaharaado lagaga soo horjeedo Ingiriiska  oo calankooda lagu gubo wadooyinka Somaliland  oo lagu googooyo, waayo waa badheedh Siyaasadeed oo ay Somaliland ula badheedheen  nabadgalayadeeda aadka u dagan ee aanu xogogaalka ka nahay.

Umada Somaliland hadii aanu Ingiriisku xaal ka baxin warkaas uu sheegay waxaan ugu baaqayaa inay ka muujiyaan cadho xoogan oo ay dalkaas kaga soo horjeedaan, waayo nabadgalyadu waa hantida kaliyaata ee aanu haysano ee aanu hareeraha habeen iyo maalinba hayno  ee nin yar iyo mid weynba aanu u soo jeedno ee aanan ka seexan, waana mid aanu xogogaal u nahay oo nin Ingiriiska joogaa inuu iska yidhaahdo waa siiro, waa mid aanan qaadanayan.

Hargaysa( Geeska )-Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Xasan, ayaa amniga dalka ku tilmaamay mid uu ku kalsoon yahay oo meel wanaasan taagan, waxaanu dawlada Ingiriiska u soo jeediyay inay xaal ka bixiyaan  dhawaaqooda oo uu sheegay inuu yahay waxyeelo siyaasiya.