Safaaradda Itoobiya Ee Hargeysa Oo Ka Jawaabtay Eedo Ka Dhan Ah

46
703

 

Picture6Hargeysa (Geeska)- Safaarada Itoobiya ayaa si adag u beenisay jiritaanka eedo dhowaan lala xidhiidhiyey, kuna tilmaantay mid sumacada xafiiskooda lagu xumaynayey, waxaanay soo jeedisay xukuumada Somaliland baadidoonka xaqiiqada ilaha warkaasi ka soo baxay.

 

Qunsulka Guud ee safaarada Itoobiya ku leedahay Hargeysa, Brig Gen, Berhe Tesfaye, ayaa sheegay in hawlaha xafiiskoodu qabto ugu weyn tahay iskaashiga amaanka iyo ganacsiga labada wadan iyo labada shacbi, una caddeynayaa shacabka inaanu waxba ka jirin warkaasi.

Qoraal kooban oo safaarada Itoobiya kaga jawaabaysay eedaha lala xidhiidhiyey, soona gaadhsiisay Geeska Afrika, , ayaa u dhignaa: “Xafiiska Itoobiya ee Somaliland waxuu si adag u deedefaynayaa jiritaanka eedo dhowaan lala xidhiidhiyey, gebi ahaana beeninayaan, arrin ka ganacsi khamri iyo xashiishad oo hawl-wadeenadeedu ku jiraan,  una caddeynayaan shacabka Somaliland. hawlaha xafiisku qabto waxa ugu weyn kobcinta iskaashiga amaanka iyo ganacsiga labada wadan, muddadii ay joogeena wax badan ka qabteen, wax badana soo socdaan. 

Wareysi kooban oo Maxamuud Walaaleye, oo Geeska Afrika ka tirsani kula  yeeshay Qunsulka Guud, Berhe Tesfaye xafiiskiisa Hargeysa ayaa u dhacay sidan:

Sidaad u aragtaa war-saxaafadeed dhowaan odeyaal beesha Ciise ka soo saareen magaalada Diri-dhaba, ku saabsanaa khilaafka Seylac, iyo in loo qaadan karo faragelin siyaasad dal kale?

Dhab ahaan, ma arkin, war-saxaafadeedka Diri-dhaba laga soo saaray, laakiin, waxaan caddeynayaa in xalka khilaafka Seylac yahay mid u yaal xukuumada Somaliland, oon ku xidhnayn Diri-dhaba ama Jabuuti ama meel kale. Mana banaana in dibedda laga soo fara geliyo, oo dad meel kale jooga ka hadlaan, awoodna uma laha.

Halkuu marayaa dhismahii waddada u dhexeysa Itoobiya iyo Somaliland, ee ku xidhnaa isticmaalka Itoobiya dekedda Berbera.?

Hawsha dhismaha waddadaasi waa mid u taal xukuumada Somaliland, balse, annaga (Itoobiya) waxaan sidoo kale la wadnaa inaan tilmaamo ka siino hawshaa. Dhinaca kale, Itoobiya, waa u diyaar isticmaalka dekedda Berbera oo wax weyn ka tari doonta kobcinta iskaashiga ganacsi aan la wadaagno. Sidoo kale, laydhkii iyo laamigii Itoobiya waxuu taagan yahay magaalada Wajaale, kana suganayaan xukuumada qorshahii shacabka Somaliland uga faa’iidaysan lahaayeen adeegyadaa.

Ugu danbayn, maadama Itoobiya, dhexdhexaadinayso khilaafkii labada Sudan, ma dhici kartaa, dhinaca kale inay gacan ka geysato wada-xaajoodyada Somaliland iyo Soomaliya?

Hadafka Itoobiya waa gaadhitaanka xasilooni buuxda oo gobolka ka dhacda, mabda’a ahaana qabnaa in khilaaf kasta wada xaajood lagu dhameeyo. Haddii dhinacyadu naga codsadaana diyaar ayaan u nahay dhexdhexaadintooda.

Comments are closed.