Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay  Indhaha Ku Hayso Qorshaha Dayn Cafinta Soomaaliya

0
887

 

Dareenka Wasiir Sacad Cali Shire Iyo Wasiir Koore Oo Sheegay In Xukuumadu Go’aan Soo Saarayso

Hargeysa(Geeska)-Xukuumada Somaliland  ayaa sheegtay inay  ka arinsanaysa sidii go’aan rasmi ah ay uga soo saari lahayd daynta laga cafiyaayo Somaliya inay ku yeelanayso saamayn xun iyo inay ku yeelanyso saamayn wanaagsan.

Sida oo kale waxa lagu qabtay jaamacada Hargeysa dood ku saabsan saamaynta iyo doorka Somaliland ee lacagtaas iyada oo wax layskaga waydiiyay daynta guud ahaan iyo qaabka ay hada dayn cafintaasi ay u socdo. Doodan waxa qabtay dalladda SONSAF.

Wasiirka maaliyada Dr.Sacad Cali Shire ayaa ugu horayntii doodan jaamacada Hargeysa lagu qabtay ee ku saabsanayd dayn cafinta Somaliya waxa uu miiska soo dhigay su’aalo badan oo haatan ay tahay in Somaliland ay si rasmi ah isku waydiiso “ Baryahanba hadal hayn ayaa jirtay  Somaliya waxa laga dhaafayaa dayntii lagu lahaa, su’aashu waxa weeye halkeebuu arinkaasi marayaa?   Dayn cafintu waa nidaam  wax inta shir laysugu yimaado la odhanaayo Somaliya waa laga daayay mar kaliyaata maaha, nidaam ayaa la marayaa, nidamakaasi laba marxaladood ayuu ka kooban yahay mid waxa la yidhaahdaa bar kulanka go’aan qaadashada, midna waa bar kulanka fulinta  ama dhamaystirka  labadaas wali midna maynaan gaadhin hadaan soo qaadano Soomaalida guud ahaan 13 bilyan qofkiiba waxa ku soo hagaagaaya 400 doolar, inteena halkan fadhida hadaan nahay 50 qof waxa inagu soo hagaagaysa 12 kun oo doolar lacag yar maaha. Waxay ku baxday mashaariic hormarineed  ina waxay ku baxday in aynu iskaga bixino badeecad aynu dibada ka soo iibsanay qaybta sadexaadna waxa loo soo daynsaday si loogu galo dagaaladii dagaaladii todobaatanadii iyo dagaaladii sideetamadiiba”

Wasiir Sacad oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“ Su’aashu waxay tahay dayntan Somaliya ma dhib ayaa inoogu jirta oo waynu ka cabanaa  oo waan is hortaagnaa  mise dheef ayaa inoogu jirta oo waan soo dhawaynaa. Suaalaha ka sii beermayaana waxa weeye ma aqoonsanahay in daynta laynugu leeyahay ,hadii laynagu leeyahay reer Somaliland hadaan nahay imisa ayaa laynagu leeyahay ? waa maxay shuruudaha laynagu xidhaayo ee laynaga rabo hadaan reer Somaliland nahay? Shuruudahasi ma kuwo inoo banaan baa mise maaha, cida daynta qaadatay inkasta oo ay Somali Republic tahay  cida lagala xaalayaa waa dawlada Somaliya, cida daynta laga dhaafayaa ee wax la’la saxeexanayaa waa Somaliya. Markaas inagu si aan uga faa’idaysano ma Somaliya ayaan la xidhiidhaynaa  oo waxii inagu soo beegma ama deeq ha ahaato ama dayne iyagaynu u maraynaa mise dadkii daynta lahaa iyo baanankii, haddii dayn cafinta ay la socoto deeqi xaqeena inagu soo hagaagayaa maxuu yahay? Su’aasha u danbaysaa waxa weeye ilaa iyo imika inta leh daynta  ee dhaafayaa miyay inoola yimaadeen wax qorshe ah oo ay leeyihiin Somaliland waxaan idinka codsanaynaa  in dayntaas laydinka dhaafayo aad shuruudahaas ka soo baxdaan si aad waxaas iyo waxaas u heshaan, codsigaasi miyuu inoo yimi  ka sokow waxaan idaacadaha iyo tilifishanada aan ka maqalnay, markaas su’aalahaasi waa kuwa aynu u baahaay inaan ka baaraan degno oo aan ahayn wax fudud oo waan soo dhawaynaynaa iyo waanu dadafaynaynaa ah.”

Wasiirka warfaafinta Saleebaan Cali Koore ayaa dhankiisa sheegay in xukuumadu ay hada wado ka arinsiga dayn cafinta Somaliya, waxaanu sheegay inay ka soo saari doonana go’aan rasmi ah“ Ka Xukuumad ahaan dood badan ayaanu maalmii ugu danbaysay aan kaga jirnay  kolay dawladu qaraar ayay ka soo saari doontaa, maadaama oo aan afkii xukuumada ku hadlaayo waxa ka soo bixi doona qorshe  ay dawlada Somaliland ka leedahay, beesha  caalamka waxaanu leenahay hadii mid la dhaafayo ay tahay iyo hadii ay tahay mid wadada loogu xaadhayo inay Somaliland goob jooge ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here