Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Hadda Ka Dib Cashuur Laga Qaadi Doono Cuntada Karsan, Cabitaannada, Hurdada Iyo Xafladaha

0
661

Xukuumadda, ayaa fulinta arrintan u maraysa Xeerka guud ee Dakhliga Dawlada Somaliland oo waajibinaya

Hargeysa (Geeska) – Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqday inay dardar-gelinayso fulinta awaamiirta uu waajibinayo Xeerka guud ee Dakhliga Dawladda, kaasi oo waajib ka dhigaya in la cashuuro Cuntada ay Huteelladu sameeyaan, Cabitaannada, Hoteellada la seexdo iyo Xafladaha lagu qabto Magaalooyinka Somaliland.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed Shalay ka soo baxay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Geeska Afrika, kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL iyada oo ka duulaysa meel-marinta iyo dhaqangalinta awaamiirta Xeerka Guud ee Dakhliga Dawladda Xeer Lr. 72/2016 gaar ahaan qodobkiisa 153-aad waxa ay dardargalinaysaa ururinta dakhliga cashuurta iibka ee adeegga iyo alaabooyinka gaar ahaan cashuurta ku waajibtay adeegyada ay bixiyaan hudheelladu sida: cuntada, cabitaanka, jiifka iyo munaasibadaha kala duwan, cashuurtaas oo qadarkeedu yahay 5% (Boqolkiiba shan kaliya). Sidaa darteed, Wasaaraddu waxa ay faraysaa mulkiilayaasha hudheelada oo ay fariintani si toos ah ugu socoto inay ku daraan cashuurta iibka qaan-sheegta biilka ay ku dalacaan macaamiishooda, waxa ay sidoo kale farriintani ku socotaa macaamiisha ku xidhan hudheellada oo ay u sheegayso inay u dhago-nuglaadaan is la markaana u hagarbaxaan bixinta cashuurta xeerku ku waajibiyey.

Waxa xusid mudan, in Wasaaraddu dhawaan bilawday inay qaar ka mid hudheellada waaweyn ee magaalada Hargeisa dhigto mishiinka cashuurta iibka. Balse, ay waajib tahay inay guud ahaan hudheeladu dhaqangaliyaan in ay ku daraan biilka macmiilka ay siinayaan, taas oo ah sida uu sharciga dakhligu jideynayo, halkii ay hudheelada qaaarkood cashuurtan iyagu ka soo goyn jireen xisaab tooda gaarka ah, nidaamkaas oo aan waafaqsaneyn Xeerka.

Ugu danbayn, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL waxa ay mar labaad ku adkaynaysaa masuuliyiinta hudheellada guud ahaan inay waajib sharci tahay inay qaan-sheegta biilashooda ku daraan 5%-ka cashuurta Iibka ee alaabta & adeeegga ee uu sharcigu waajibiyey…”

 

Geeska.net/Hargeisa Office