Somaliland: Guddi Wasiirro Ah Oo Loo Saaray Ka Gun-gaadhidda Dilalka Ku Soo Badanaya Laascaanood

0
503

Hargeysa (Geeska) – Fadhigii Golaha Wasiirrada Somaliland ee Khamiista Maanta, ayaa Guddi Wasiirro ah loogu saaray Xaaladda amni ee Gobolka Sool, halkaasi oo ay ka dhaceen dilal soo noqnoqday oo loo geystay Masuuliyiin ka mid ahaa Dawladda.

Sidoo kale, waxa Golaha Wasiirrada oo War-bixino ka dhegaystay Wasiirrada Caafimaadka, Arrimaha gudaha iyo Warfaafinta, ayaa si gaar ah uga hadlay ahmiyadda ay leedahay in laga feejignaado Xanuunka Covid_19 oo toddobaadkii u dambeeyay 24 Qof ku dilay Dalka.

War-saxaafadeed laga soo saaray Fadhigii Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu Shir-guddoominayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa u qornaa sidan “Fadhigii 79aad ee Golaha Wasiirrada Sonmaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa war-bixino lagaga dhegaystay Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Horumarinta Caafimaadka iyo Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland.

Waxaana ugu horrayn Golaha Wasiirrada war-bixin la xidhiidha amniga, nabadgelyada guud ee dalka siiyey Wasiirka Arrimaha Gudaha, waxa uu si gaara uga hadlay xaaladda amni ee gobolka Sool, waxaanu golaha la wadaagay dilalka soo noq-noqday ee gobolka Sool, isla-markaana waxa goluhu u saaray guddi ka kooban wasiirro sidii arrintaas xal loogu helo.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha uga war-bixiyey xaaladda Somaliland ee caabuqa Covid-19, waxaana uu ku dheeraaday khatarka ka soo cusboonaatay xanuunka Covid-19 oo ah mawjaddii saddexaad taas oo gaadhay Bulshada qaybeheeda kala duwan, iyadoo todobaadkii u danbeeyey oo keliya ay u geeriyoodeen afar iyo labaatan ruux (24) oo ah intii is diwaangelisay ee timid goobaha caafimaadka, taasoo muujinaysa in uu si ballaadhan u fidayo xanuunku. Sidaa darteed, goluhu waxa uu soo jeediyey tallaabooyin iyo tallooyin Guddida ka hortagga iyo la dagaalanka xanuunka Covid-19 oo ay ku dardar-gelinayaan hawlaha ay u xil-saaran yihiin.

Ugu danbayntii, Golaha Wasiirradu iyagoo maanka ku haya ahmiyadda ballaadhan ee ay dalka ugu fadhido warbaahintu iyo in ay tahay tiir ka mid ah dhismaha dawladda iyo dimuquraadiyadda, hase yeeshee iyadoon laga tegayn wixii lidi ku ah Diinta, dhaqanka iyo amniga dalka ee cadawgu ugu soo gabanayo ama u soo dhexmarayo xorriyadda saxaafadda, waxa goluhu xusay in loo raaci doono sharciga dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ciddii loo arko inay dhibaato ku tahay qaranka..”

Geeska.net/Hargeisa Office