Somaliland: Suldaankii Guud Ee Beesha Arab Oo Shalay Aas Qaran Loogu Sameeyay Hargeysa Iyo Wiilkiisii Oo La Caleemo-saaray

0
574

Hargeysa (Geeska) – Alle ha u Naxariistee waxa Arbacadii Shalay duleedka Koonfureed ee Magaalada Hargeysa lagu aasay Meydka Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ahaa Suldaanka guud ee Beesha Arab.

Alle ha u naxariistee Suldaanka oo Bilihii u dambeeyay Xanuunsanayey, ayaa ku Geeriyooday Dalka Turkiga oo uu daawayn u tagay, ayaa Shalay Diyaarad lagu keenay Magaalada Hargeysa, waxaana markaasi ka dib Salaadda Janaasada lagaga Tukaday Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium oo ay ku sugnaayeen kumanaan qof oo kala kala yimid dhulka Soomaalidu degto.

Aaska waxa kale oo ka qayb-galay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, inta badan Wasiirrada Xukuumaddiisa, Shir-guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, Hoggaamiyeyaasha Axsaabta siyaasadda Somaliland iyo Dadweyne kale oo aad u tiro badnaa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay Geerida Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, ayaa Tacsi u diray qoyskii qaraabadii bahda dhaqanka iyo guud ahaanba Qaranka Somaliland ee uu ka baxay inuu Samir iyo Iimaan ka siiyo Marxuukana alle uga baryey inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo waxaana uu yidhi “Innaalilaahi wa innaa ilayhi raajicuun, Waxaan joognaa tacsidii Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Ilaahay Suldaanka ha u naxariisto oo jannadii Fardowsa haka waraabiyo qoyskii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxayna Ilaahay Samir iyo Iimaan haka siiyo, Suldaan Cumar oo Aabbihiina ahaa dadkii aasaasay SNM oo taariikh sharaf badan mudan, Nabaddiina tiirka koowaad ka ahaa, Saldanadaa weyn ee uu ka soo jeeday oo xorayntii dalka iyo nabaddiisiiba horumuud ka ahaa, intii uu noolaana samafal uun buu ku jiray , Ilaahay uun baa baaqi noqonaaya dadkuna haku cibro-qaato inay geeriyi inaga wada danbayso, Ilaahay Suldaanka ha u naxariisto innagana ha inooga daba naxariisto Samir iyo Iimaan, Raaska iyo Saldanaddiina halkiisii Ilaahay Cawil kheyr qaba ha geliyo” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Sidoo kale, waxa Tacsi taa la mid ah diray Madaxda kala duwan ee xisbiyada Qaranka, Wasiirrada, Shir-guddoonnada labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland, Madax-dhaqameed kala kala yimid deegaannada Soomaalidu degto iyo Dadweyne tiro badan.

Markaasi ka dib, waxa isla Xabaasha dusheeda lagu Caleemo Saaray Cabdiraxmaan Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo uu dhalay Suldaanka Geeriyooday, kaasi oo noqonaya Suldaanka guud ee Beesha Arab ‘Inaa Lillaahi wa inaa Ilaahu Raajucuun.’

Geeska.net/Hargeisa Office