Xukuumadda Somaliland Oo Shacabka Uga Digtay Halista Xanuunka Covid_19

0
617

Hargeysa (Geeska) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xargeeye, ayaa ka hadlay xanuunka Covid-19, oo dalka dib ugu soo laba kaclaayey, waxaanu sheegay inuu xanuunkani khatar badan yahay, oo Shacabka looga baahan yahay inay wacyigelinta si toos ah u qaatan, oo haba yaraate aanay dhayalsan.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Dr.Maxamed Cabdi Xargeeye, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Xanuunka Koronuhu maaha xanuun fudud, oo yaan loo qaadan inuu yahay xanuun sahlan, waxaynu ka war qabnaa saamaynta uu ku yeeshay Adduunka, xanuunkani dib ayuu u soo laabtay, inkastoo aanu Xukuumad ahaan mar walba diyaar u nahay in aanu xoogga saarno badbaada dadkayaga, ALLE ayaa wax badbaadiyey, haddana waxaanu Dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan aanu leenahay ka hor tagista ayaa ka wanaagsan daawaynta ee waxaad ku dedaashan inaad aad iyo aad uga taxadirtaan xanuunkan, oo waxaad ku dadaashan inaad si toos ah u qaadataan wacyigelinta aanu wadno, oo marnaba wacyigelinta aanu wadno ha fududaysanina, oo ha ka soo qaadina dhayal, oo ku dedaala nadaafada, oo tilmaamaha wacyigelinta qaata, inkasta oo talaalkii inoo yimid haddana wax walba waxaa ka horeeya ka hor taga iyo taxadirka, ee aad ha loo taxadiro, oo aad looga feejignaado halista xanuunka Koronaha”.

 

Geeska.net/Hargeisa Office