Xukuumadda Oo Ka Hadashay Sababta Joojisay Duulimaadyadii Air Arabia Iyo Fly Dubai Ee Somaliland

0
870

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Sababta ay Somaliland uga shaqayn waayeen Shirkadaha diyaaradaha ee Air Arabia iyo Fly Dubai.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Somaliland Cabdillaahi Abokor Cismaan oo marti ku ahaa Barnaamijka Qanci Dadkaaga ee Telefiishanka HCTV, ayaa sheegay in sababta ay diyaaradahaasi loogu ogolaan waayay inay ka shaqeeyaan Madaarka Hargeysa ee Somaliland tahay inay ka cajo-jiideen inay heshiis la galaan Dawladda Somaliland.

Wasiirka oo ka jawaabayey Su’aal uu arrintaa ka waydiiyey Muwaadin ka mid ah Dadkii barnaamijkaa ka qayb-galay, ayaa yidhi  “Inta aan Anigu ogahay, diyaaradahaasi Air Arabia, Fly Dubai waxa yaalla oo Dawladda Somaliland ka doonaysaa inay la gasho heshiis, laakiin Shirkadahaasina waxay ka cajo-jiideen inay heshiis la galaan Somaliland.”

 

 Geeska.net/Hargeisa Office