Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ka Hadlay Marxalada Siyaasadeed Ee Dalku Halkay Marayso, Tallooyin Muhiimana Soo Jeediyey

0
576

Hargeysa (Geeska) – Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay xaaladda dalku halkay marayso, gaar ahaan xanuunka Covid-19, abaaraha ka jira deegaanada qaar, nabadgalyada iyo Doorashooyinka foodda inagu soo haya.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya Geerida ku timid ALLE u naxariiste Mujaahid Ismaaciil Mire oo Golaha Wakiillada ka wada tirsanaan jireen ayuu yidhi “ALLE jannadii fardawsa ha ka waraabiyo, ALLE jannada waasaca ha uga dhigoXildhibaan Ismaaciil Mire, oo aanu Golaha Wakiilada ku wada biirnay muddo hadda laga joogo 24 sanno ka hor, Ismaaciil Mire wuxuu ahaa nin qalbi wanaagsan, wuxuu ahaa nin ixtiraam badan, ehelkiisa,qaraabadiisa iyo guud ahaan umadda reer Somaliland ee uu ka baxayna samar iyo imaan ha ka siiyo”.

Mar uu ka hadlaayey abaaraha ayuu yidhi “ILLAAHAY raxmaadkiisa ha inoo shubo, ee si ILLAAHAY raxmaadkiisa inoogu shubo, waxaa Shacabka looga baahanyahay inay istiqfaarta badiyaan, waxaa looga baahan yahay inay isa samaaxan, waxaa looga baahan yahay inay wax is taraan”.

Mar uu ka hadlayey bisha Ramadaan ayuu yidhi “Ramadaan ALLE ha inaga gaadhsiiyo, inooga caafimaad qabna, maadaama bisha Ramadaan tahay bisha ugu fadliga iyo khayrka badan, waxaynu ILLAAHAY ka baryeynaa inuu mar walba inoo naxariisto, haddii aynu inagu isku naxariisano, ALLE wuu inoo naxariisanayaa,isla bishan aynu ku jirno ee Shabcaana waa bil iyana khayr badan ee mar kasta aynu ALLE barino”.

Mar uu ka hadlayey xanuunka Covid-19 ayuu yidhi “ILLAAHAY xanuunkana fidaya waxaynu ka baryeynaa inuu inaga dulqaado, towbadana ha la ogaado, ee aad ha la isku ilaaliyo”.

Mar uu ka hadlayey nabadgalyada ayuu yidhi “Nabadgalyada aynu maanta haysano ee ALLE ina siiyey, waxaa jira dalal badan oo aan haysan ee ALLE waxaynu ka baryeynaa inuu inaga ilaaliyo fidno kasta oo nabadgalyadeena nusqaan ku keenaysa, waxaana la inoo baahan yahay inaynu ilaashano mar walba nabadeena, aadna uga fogaano wax kasta oo nabadgalyadeena lid ku ah…”

Mar uu ka hadlayey Doorashooyinka ayuu yidhi “Insha allaah Doorashooyin fiican oo lagu wada qanco ayaa inoo dhici doona, aadna ha la iskaga ilaaliyo wax walba oo Doorashooyinkana ka hor imanaya”.

Geeska.net/Hargeisa Office