Xukuumadda Somaliland Oo Qarka U Saaran Inay Heshiis La Gasho Shirkad Maalgelinayso Dekedda Berbera

37
701

Picture6Hargeysa(Geeska)-Xukuumadda Somaliland ayaa qarka u saaran inay saxeexdo heshiis lagu maalgelinayo dekedda Berbera, taas oo isku xidhi doonta dunida Carabta iyo Afrika.

Nin lagu magacaabo Jason McCue, oo ah garyaqaan u dooda arrimaha xuquuqal insaanka, oo dawladda Somaliland ugu shaqeeya garyaqaan ahaan, ayaa shabakad warareed oo lagu magacaabo This is Africa, u sheegay in heshiiskaasi marayo marxaladihii u dambeeyay. “Lix bilood oo wada hadalo ah ka dib, heshiis farxadeed oo lala galayo mid ka mid ah shirkadaha ugu wanaagsan ee dekedaha dunida ka shaqeeya ayaa miiska yaala.” Ayuu yidhi.

Mr. McCue, wuxuu ka gaabsaday inuu cadeeyo cadadka maalgelineed ee la gelinayo dekedda Berbera, waxase uu sheegay inuu yahay maalgelin balaadhan. “Waxaanu helaynaa boqolaal milyan oo Dollar.. Dekedu waxay noqon doontaa deked balaadhan oo caalami ah.”

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa isna wakaaladan u shegay inay geed gaaban iyo mid dheerba Somaliland u fuulayso sidii ay u heli lahaayeen maalgashi caalami ah oo wax ka qabta imkaaniyaadka nolosha. “Waxaanu isku dayaynaa inaanu aragno sida aanu u heli lahayn saaxiibo caalami ah oo naga caawiya imkaaniyaadka aasaasiga ah. Waxaanu doonaynaa inaanu horumarino jidka isku xidha Berbera iyo Itoobiya, sababtoo ah waa ahmiyada koowaad.” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Biixi Yoonis, waxaanu sheegay inay ku hamiyayaan inay hantaan suuqa shacabka Itoobiya oo ah dal aan deked lahayn.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland wuxuu sheegay in heshiisyada Somaliland ay dunidu la gasho ee dhinacyada maalgashiga, horumarka iyo amnigu uu muujinayo inay buuxisay shuruudaha qaran lagu aqoonsado, isagoo yidhi, “Waxaanu rumaysanahay inaanu deg deg u heli doono aqoonsiga, sababtoo ah waanu u qalanaa.”

Si kastaba ha ahaate, shirkadan ay Somaliland la galayso heshiiska ah horumarinta dekedda Berbera, oo aan weli magaceeda la shaacin ayay shacabku u dheg taagayaan.

 

Comments are closed.